Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo darajooyinkii ciidan usoo celiyay sarkaal uu dagaal adag la galay Fahad

Recommended Posts

Deeq A.   
475970272_1070432471794558_6193675607000

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa hay’adda sordoonka iyo nabad-sugidda qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa ku saleeyey xeerkan madaxweyne si waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG ah iyo sharciga dhismaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii.

Tallaabadan ayaa ku timid codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horey usoo noqday Taliyaha nabad-sugida tobolka Banaadir ayaa waxaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin hayay xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2025, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo dib u doorashadiisi saraakiil dhowr ah dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ee ciidan ee xaqa u lahaayeen, kuwaasi oo badankood laga xayuubiyay kal-xukunkii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this