Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad: Wasaarado ka tirsan DF oo isku haysta lacag lagu soo rogay shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS ay ku soo rogeen amar lagu qaadanayo talaal seddax nooc ah oo lagu waajibiyey qof kasta oo garoonka Aadan Cadde ka baxaya ama kasoo gelaya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hortimid nidaamka aruurinta khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Dalka, iyadoo cadeysay in cid wasaaradda Maaliyadda aan aheyn aysan dhaqaale uruuri karin.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maalmo ka hor dadwaynaha ku wargelisay dhaqan gelinta go’aan qofka soo gelaya ama ka baxaya dalka uu ku qaadanayo tallaalada kala ah:

1-Tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever)

2-Tallaalka Dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine)

3-Iyo Tallaalka Qaaxada Maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine)

1-dii ilaa 10-ka bishaan Febraayo ayaa la go’aamiyey in qorshaha qaadashada tallaalka uu dhaqan galo, balse wasaaradda maaliyada ayaa culeys saartay wasaaradda Caafimaadka, iyadoo si cad u diiday in cid aan wasaaradda maaliyadda aheyn ay lacag dowladeed qabato.

“Waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib u eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah, kuwaas oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda maaliyadda.

Intaas kadib, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay inay ka jawaabayso dareenka dadweynuhu ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey.

“Wasiirku uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddda Caafimaadka.

Go’aanka u yaalla dowladda federaalka  ayaa dhigaya in hay’ad aan aheyn wasaaradda maaliyadda aysan qaadi karin wax dakhli ah, taasi oo sababtay in wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyada ay is qabsadaan, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaaradda maaliyadda ay ogaato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this