Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe oo qorsheynaya inuu isku sharxo madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe-2.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddo labo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa masuuliyiintii uu halkaas kula kulmay qaarkood wuxuu u sheegay in sanadka soo socda ee 2026 uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo maalin ka hor ku soo laabtay Kismaayo ayaa ku sir qarsaday qaar kamid ah xildhibaanadii, siyaasiyiintii iyo ganacsatadii uu kula kulmay Nairobi, kuwaas oo xogtaan siyaabo kala duwan ula wadaagay Caasimada Online.

Axmed Madoobe ayaa in ka badan 10 sano heysta Jubbaland, madaxweynayaashii kala dambeeyey ee dowladda federaalka ayaa dhowr mar isku dayey inay Axmed dhaafiyaan maamulkaas, balse kuma guuleysan.

Inkastoo Axmed Madoobe yahay dagaal yaqaan, hadana waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa uu kasoo qabtay Jubbaland, hadii uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo guud ahaan Jubbaland hadda waxaa saaran cunaqabateyn, waxaana ku socda maamulkiisa kala furfur ay ku wado dowladda federaalka, iyadoo dowladda federaalka ay u suurtagashay inta badan gobolka Gedo inay kala wareegto.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal oo xalay la hadlay VOA ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qalqal amni gashay iyo mid dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynta iyo talaabooyinka militeri, isla markaana ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda federaalka uu wadahadal la furo, balse dowladda federaalka ayaan dheg-jalaq u siin, kuna qaaday dagaal toos ah, in kastoo meelihii ugu muhiimsanaa uu Axmed Madoobe ku awood badiyey.

Hadii Axmed Madoobe uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ma noqon doono Madaxweynihii maamul goboleed ee ugu horeeyey, waxaana uga horeeyey Saciid Deni oo natiijo fiican ka gaaray tartankii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh uu ku soo baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this