Deeq A. Posted February 3 WAR SAXAAFADEED 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗘𝗿𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗙𝗶𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝘀𝗮𝗻 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland. Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed). Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen). Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo). Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan. Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay. Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto. Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo. Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland. Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta da’yarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites