Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo afduubtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay masuuliyiin ka kooban shan guddoomiye xaafadeed, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceelwaaq iyo Mandheera, balse waxaa jid u galay dablay afduub u gaysatay sida ay ay xaqiijiyeen laamaha nabad-gelyada dalkaasi.

Taliyaha ciidanka booliska degmo dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubka masuuliyiintan, asagoo sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeedeen magaalada Ceelwaaqda Kenya.

Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this