Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo wacad ku maray jawaab adag xilli Trump uu billaabay dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Axaddii wacad ku maray inuu si Midowga Yurub ayaa Axaddii ku adkaystay inuu si adag uga jawaabi doono haddii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tacriif ama cashuuro ku soo rogo, iyadoo Brussels ay cambaaraysay dagaalka ganacsi ee uu billaabay ee ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

Brussels ayaa illaa hadda sheegaysay inay rajaynayso in ay ka fogaato khilaaf ganacsi oo kala dhexeeya Trump, iyadoo loo marayo wada hadal.

Laakiin Jimcihii, hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xaaladda sii adkeeyay isagoo sheegay inuu “gebi ahaanba” qorshaynayo inuu beegsado Midowga Yurub mustaqbalka, kaddib markii uu marka hore cashuuro saaray dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha.

“Midowga Yurub wuxuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka ee uu cashuuraha ugu soo rogay Canada, Mexico iyo Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Guddiga Yurub.

“Cashuuruhu waxay abuuraan khalkhal dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir-bararka. Waxyeello ayay u gaystaan dhammaan dhinacyada.”

Afhayeenku wuxuu sheegay “in Midowga Yurub uu si adag uga jawaabi doono waddan kasta oo ay ganacsi wadaagaan, kaasoo si aan caddaalad ahayn ama si aan loo meel dayin cashuuro ugu soo roga badeecadaha Midowga Yurub”.

“Waqtigan xaadirka ah, ma ogin wax cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay badeecadaha Midowga Yurub,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo ka kooban 27-ka dal ay weli ka go’an tahay cashuuro hooseeya si “kor loogu qaado kobaca iyo xasilloonida dhaqaale ee nidaam ganacsi oo xooggan oo ku dhisan sharci”.

Wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xiriirkiisa ganacsi iyo maalgashi ee uu la leeyahay Maraykanka — “ka ugu weyn adduunka”.

“Waxaa jira wax badan oo halis ku jira,” ayuu yiri Afhayeenku. “Waa inaan labadeennuba eegnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirkan.”

Trump ma uusan qarsan cadaawaddiisa ku wajahan Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyay inuu Maraykanka “si aad iyo aad u cadaalad-darro ah” ula dhaqmay dhanka ganacsiga.

Xiisadaha ayaa sidoo kale sare u kacay ka dib markii uu si joogto ah ugu adkaystay inuu doonayo inuu Greenland ka qaato Denmark, oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Sannadkii 2018, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu cashuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka Yurub — taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo cashuuro u gaar ah oo ka sarreeya.

Natiijadaas awgeed, Yurub waxay muddo bilo ah dajinaysay qorshayaal kala duwan si loo hubiyo inay diyaar u tahay markan, haddii uu go’aansado inuu bilaabo khilaaf ganacsi oo cusub oo uu la galo ururka.

‘Cidna ma caawin doonto’ –

Dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku adkaysanaya inay midaysan yihiin, ayna haystaan qalab ay kaga jawaabaan tallaabooyinka Trump — laakiin khubarada ayaa sidoo kale tilmaamaya dildillaacyo suurtagal ah haddii uu cadaadiska kordhiyo.

Awoodda dhaqaale ee Jarmalka — oo wajahaysa doorasho adag bishan iyo dhaqaale hoos u dhacay — ayaa ka gaabsanaysay arrimaha cashuuraha.

Trump waxa kale oo ay u badan tahay inuu isku dayo inuu iska horkeeno danaha dowladaha shakhsi ahaaneed ee Midowga Yurub.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa horeyba ugu loolamayay inay ku dhowaadaan, iyadoo Giorgia Meloni ee Talyaaniga ay hoggaaminayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa Axaddii qoray in “dagaal cashuureed uusan cidna caawinaynin”, isagoo sheegay in Talyaanigu uu hayo fikrado uu ku ilaalinayo shirkadihiisa, isla markaana ay Rome dhex-dhexaadiye ka noqon doonto Washington.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa weli rajaynaya inay ka dhaadhicin karaan Trump inuusan sii wadin qorshihiisa cashuuraha.

Madaxa Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Nofembar soo jeedisay qorshe suurtagal ah oo lagu ilaalinayo taageerada TRUMP: iibsashada gaas dabiici ah (LNG) oo badan oo ka yimaada Maraykanka.

Taas ayaa lagu tilmaamay mid labada dhinacba ay ku wada guulaysanayaan, maadaama ay ka caawin doonto ururka inuu iska daayo saadka ka yimaada Ruushka, halka ay sidoo kale qancinayso hoggaamiyaha Maraykanka.

Trump laftiisa ayaa dalbaday in Midowga Yurub uu iibsado saliid iyo gaas badan oo Maraykan ah — isagoo sidoo kale ka cabanaya in ururku uusan soo dhoofsan wax ku filan oo ah baabuurta Maraykanka iyo wax-soo-saarka beeraha.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan khatarta cashuuraha ee soo fool leh, ee ka imaanaysa Ttump, magaalada Brussels maanta oo Isniin ah, shir looga golleeyahay in diiradda lagu saaro arrimaha difaaca.

Awoodda militari ee Maraykanka ayaa weli aasaas u ah amniga Yurub iyada oo loo marayo NATO. Xulafada Maraykanka oo si xilkasnimo leh isha ugu haya Ruushka ayaa ka baqaya in ka caraysiinta Trump ay khatar gelin karto kaalinta Washington ee ilaalinta qaaraddooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this