Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo xil sare u magacaabay Ismaaciil Siciid Aw-muuse

Recommended Posts

Deeq A.   
475857974_1127881426045129_6038720738071

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal “Eebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juusto”.

Cabdixakiin Maxamed “Nin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?”.

Rijaal Maxamed Nuur “Soo jeedin gole wasiiro waxba laguma magacaabee naga daaya baahasha.

Dhamme Shakuur “Ilmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?”.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this