Sign in to follow this  
Deeq A.

Xusuus:- Dagaalkii dhinaca hawada ee Duuliyayaashii Ethiopia iyo kuwii Somalia sanadkii 1977.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xusuus:- Dagaalkii dhinaca hawada ee Duuliyayaashii Ethiopia iyo kuwii Somalia sanadkii 1977.

Dagaalkan waxaan ka sameyn doonaa hadii ilaahay idmo 4 qaybood oo aan soo koobay:-
1-Nooca dayuuradaha dagaal ee labada dhinac
ku dagaalameen.
2-Sidee loo kala adkaaday(Dog fight).yaase guuleystey.
3-Sababta duuliyayaashii Somalida looga adkaaday loona
laayey.
4- Imisa duuliye ayaa la kala diley oo dayuuradahoodii la ridey.
5.Magacyada qaar ka mida duuliyayaashii Somalia iyo Ethiopia.
ee dagaalka ka qayb qaatay.

Nooca Dayuuradaha Dagaalka ee labada dhinac kala wateen.
Ethiopia:-

F-5E. American made(Jet fighters)
F-5A. American made(Jet fighters)
Canberas. American made(Bombers)
Helicopter gunships. American made.
waxaa intaasi weheliya dayuurada xamuulka iyo
kuwa tababarada ee ciidanka cirka Ethiopia isku darka
dayuuradaha ciidanka cirka ee Ethiopia waxay dhamaayeen
( 127 ) dayuuradood oo kala fadhiyey,Debre Zeit.Dire dawa,
iyo Godey.markii dagaalku kululaaday dayuuradii Godey fadhiyey waxaa loo soo wareejey,Debre Zeit base.

Somalia:-
Mig-21. Russian made( Jet fighter)
Mig-17.Russian made(Light Jet fighter)
Bombers.Russian made( Nooca loo yaqaan B-28)
Waxaa intaasi weheliyey Dayuuradaha Tababarada iyo
xamuulka ee ciidankii cirka ee somalia,isku darka
Dayuuradaha waxay dhamaayeen( 72 ) dayuuradood
oo kala fadhiyey,Berbera,Hargeisa,Balidoogle,iyo Baydhaba,
Markii dagaalku xumaaday waxaa dhamaan dayuuradihii dagaalka la isugu keenay,Berbera iy Hargeisa.

La soco qaybta 2aad:-

Yusuf Abdilahi Janale
Oslo Norway.
contact.somalilandcitizen@gmal.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this