Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐๐ž๐ฒ ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐’๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ˆ๐๐š๐š๐œ๐š๐๐š (๐†๐จ๐›๐š๐ง๐ข๐ฆ๐จ ) ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ ๐ฎ๐›๐ญ๐š๐ฒ

Recommended Posts

Deeq A.   

img_1_1738571334592.webp

img_2_1738571352482.webp

img_4_1738571517588.webp

img_5_1738571531986.webp

img_6_1738571546113.webp

img_7_1738571560431.webp

img_8_1738571577790.webp

img_9_1738571598683.webp

img_10_1738571613712.webp

img_3_1738571501925.webp

Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar-ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda karirsan, ayaa indhihiisa kusoo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyaa si buuxda u garab taagan tahay dadkii dhibku gaadhay.

Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo, waxana uu yidhi, โ€œWaxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo.โ€

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland.

Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this