Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubbaland oo howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska.

Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena gacanta lagu dhigey sida ay sheegtay warbaahinta maamulka Jubbaland.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa laga soo xigtay inay ka war heleen in xubnahani ay qorshaynayeen in ay dilal qorshaysan ka fuliyaan gudaha magaalada Kismaayo, balse laga hortagey , ka dib markii weerar kadis ah lagu qaaday.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this