Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Jubaland oo codsi u dirtay DF, kana cabatay cunaqabateynta la saaray

Recommended Posts

Deeq A.   
Madoobe.webp?fit=696%2C467&ssl=1

Doolow (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Wasiir Dhuumaal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khilaafkaan uu saameyn weyn ku yeeshay amniga Jubbaland, isla markaana ay lama huraan tahay in la xaliyo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi, isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay qaar kamid ah safiirrada caalamka.

“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu lasoo kulmay madaxda dowladda Kenya, maadaama aan wadaagno xuduud dheer, muhiimna ay tahay inaan ka wadashaqeyno amniga, markii barnaamijyadaasi u soo dhamaadeena, wuxuu ku soo noqday Kismaayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira wadahadalo ay yeesheen Jubbaland iyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in wax wadahadal ah aysan dhicin, “xitaa hadii ay jirto waa wax madaxweynaha gaar u ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey in Axmed Madoobe uu Nairobi u tegay arrimo caafimaad, wuxuuna dafiray hadal-heyntaas, “Qaabilaad iyo shaqo ayuu ku jiray mooyaane, ma jirin arrimo caafimaad oo madaxweynuhu Nairobi u tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa codsaday in khilaafkaan laga wadahadlo, “Madaxweynaha sharafta leh Xasan Sheekh waa madaxweynaheena colaad nagama dhaceyso, waxaan ogolnahay wadahadal, hadii aan qaldanahay waa nala qabsan karaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa quus ka muujiyey xaaladda Jubbaland, isagoo tusaale u soo qaatay in isagoo jooga Doolow uusan tegi karin degmada ugu dhow ee Luuq, “Khalaafkaan saaneyn adag ayuu nagu yeeshay ciidamadii waxaa laga soo jeediyey argagixisadii ay dagaalka kula jireen, waxaan joogaa Doolow oo go’doon ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Dhuumaal.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/02/409213ec-dd52-4772-a869-b429210157aa_16k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this