Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore oo si yaab leh ugu jawaabay mucaaradka ku kacsan Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.jpg?fit=2560%2C170

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u jawaabay mucaaradka maalmihii dambe ku dhaganaa ee eedeymaha u jeedinayay madaxweynaha.

Cosoble ayaa ugu horreyntii difaacay in dowladda bixiso dhulka danta guud si loogu faa’iideyo shacabka iyo dowladnimada, halka mucaaradka ay sheegeen in dhaqaale yar lagu xaraashayo dhulkiii danta guud oo badankood si xoog ah looga kiciyay shacab deganaa.

“Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka inaysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka ineysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya.

Haddey dalka timaado shirkad caasimadda ka dhiseysa hotel caalami ah oo ay ku baxeyso dhismihiisa 50 malyan oo dollar, muwaadiniin badan ay shaqo ka helayaan, dowladdana ay uga soo xarooneyso sannadkii dhowr malyan oo dollar, cid looga fasax qaadanayo ma jirto ee meesha ugu habboon ayaa laga siinayaa dhulka, taana micnaheeda ma aha dhulka in la boobayo.

Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed.

Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.

Ma hayaan barnaamijyo ay dalka ku horumarinayaan iyo qorsheyaal la xiriira sida ay dalka uga sifeynayaan argagixisada, sida ay dhowr malyan oo dhallinyaro ah shaqo ugu abuurayaan, sida ay waxbarashada u gaarsiinayaan dalka oo idil, sida ay sare ugu qaadayaan wax soo saarka beeraha hoosna ugu dhigayaan ku tiirsanaanta mucaawinooyinka raashiinka, sida ay dalka dib ugu soo celinayaan Soomaalida qaxootiga ah, iwm.

Qorsheyaashaa ma hayaan ee warkooda oo dhan waa dastuurkii ayaa la beddelay, dhulaa la gatay, see Itoobiya iyo Masaari loo kala ilaalinaa iyo hadallo badan oo qofkii damiir leh uu ku yaq-yaqsoonayo.

Kuwa raba in uusan dalka ka bixin tiiha uu ku jiro muddada aadka u dheer waxaan leeyahay umadda yaan la marin habaabin ee Ilahey ka baqa. Kuwa u heysta iney Ilaahey oo laga baqo ku kooban tahay shanta waqti oo la tukado, kadibna laga shaqeyn karo been iyo masabbid iyo wax walboo xun waxaan leeyahay shaydaan baa been idiin sheegay ee isaga fogaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this