Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Deni oo sameeyay arrin ay dunida la yaabtay iyo waxa ay muujineyso

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-sheekh-iyo-saciid-deni.jpg?fit=960

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gooni-gooni ah ugu mahad-celiyay Mareykanka, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyntii ay milateriga Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka.

Labada nin oo midkoodna uusan ka kale soo hadal qaadin ayaa Donald Trump ku amaanay tallaabadan, tan oo muujineysa heerka khilaafka shaqsiga ah ee labada nin gaaray, kaasi oo si weyn u saameeyay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilowday, waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday.

Si lamid ah, madaxweynaha Puntland isna sooma qaadin Soomaaliya iyo dowlad federaal ah toona, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee AFRICOM waxay sheegeen in ay dowladda federaalka ah wargeliyeen, iyadna ku abaal sheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay.

“Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish waa natiijo ka dhalatay dowlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii. Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in argagixisada looga adkaan karo, dadkuna dowladda ku aamini karaan hoggaanka dalka, hay’adaha dawladda iyo habdhaqanka horwaynta siyaasadda oo ka waantooba sababihii keenay burburka dowladda iyo ka aamin baxeeda kuwaasi oo ah;

  1. Ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka awoodeed iyo ku amar taaglaynta.
  2. Sadbursi, qoys iyo qaraabo kiil.
  3. Eex, musuq iyo ajnabi u adeeg.

“Masuuliyadda looma sinna ee eedda ugu wayn waxaa leh ninkii shafka u gaaracay, Soomaalina u xil saaratay in uu dalka kala qaybsan iyo dadka kala irdhoobay isku keeno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this