Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo war kasoo saartay weerar ay ku qaaday jabhadda FRUD, balse Itoobiya oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxtooyada-Jabuuti-scaled.jpeg?fit=256

Jabuuti (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa fuliyay weerar ay ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) meel ku dhow xadka ay la wadaagaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan koox hubeysan iyo tiro aan la cayimin oo dad rayid ah, sida ay mas’uuliyiintu shaaciyeen Axadda maanta ah.

“Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday koox hubeysan oo ku sugneyd deegaanka Addorta ee dalka Jabuuti, kaas oo qiyaastii lix kiiloomitir (3.7 mayl) u jira xadka Itoobiya,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Siddeed ka mid ah kooxda hubeysan ayaa lagu dilay weerarkaasi,” ayay wasaaraddu hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo qirtay in “khasaare soo gaaray dad rayid ah oo u dhashay Jabuuti uu jiro, arrintaas oo ah mid aan ka xunahay,” balse ma aysan bixin faahfaahin intaa ka badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa shaacisay in baaritaan la furay, iyadoo intaa ku dartay in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay wadeen “abaabul colaadeed” oo “khatar ku ahaa saldhigyada ciidamada ee ku yaalla xadka.”

La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu magacaabo Alexis Maxamed, ayaa sheegay mar ay wariyeyaasha AFP wax ka weydiiyeen weerarkan, in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Jabhadda Hubaysan ee Soo Celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD A), oo Jabuuti u aqoonsan tahay koox argagixiso ah.

Jabuuti mise Itoobiya?

Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa Itoobiya ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ka dhacay gudaha dhulka Itoobiya, balse mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa arrinkaas gaashaanka ku dhuftay. Mudane Maxamed ayaa ku celceliyay in weerarku uu ka dhacay gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyada ay wariyeyaasha AFP u direen si ay uga hadlaan dhacdadan.

Bishii Oktoobar 2022, toddoba askari ayaa la dilay, lix kalena waa la afduubay, ka dib weerar lagu qaaday xerada ciidankooda ee Garabtiisan, oo dhacda waqooyiga Jabuuti. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa weerarkaas ku eedeeyay jabhadda FRUD. Askartii la afduubay ayaa dib loo sii daayay dhowr toddobaad ka dib.

Jabhadda FRUD oo xubnaheeda laga soo uruuriyo qowmiyadda Cafarta ee ku dhaqan waqooyiga Jabuuti, ayaa sannadkii 1991-kii billowday dhaq-dhaqaaq hubeysan oo ka dhan ah dowladda, iyagoo sheeganayay inay difaacayaan danaha qowmiyadda Cafarta oo ay ka ilaalinayaan qowmiyadda Ciisaha, oo ah qowmiyadda kale ee ugu tirada badan dalka.

Kooxdan ayaa markii dambe u kala qeybsantay laba garab. Iyadoo garabka FRUD uu hadda qeyb ka yahay isbahaysi ka kooban afar xisbi siyaasadeed oo taageera Madaxweyne Geelle, haddana garabkeeda hubaysan ee FRUD A ayaa sii wada weerarrada hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka, halkaasoo ay isaga darsamaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo milatari oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this