Som@li Posted January 12, 2007 Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Youssouf, ayaa cambaareeyay weerarkii cirka ee dhowaan ee Maraykanku ku qaaday Koonfurta Soomaaliya. Wasiirka, ayaa sheegay in tallaabadaasi ay uga darayso xaaladdii keeni lahayd in lagu guulaysto nabad, waxaana uu intaasi ku daray in dowladiisu ay aad uga walwalsan tahay wararka sheegaya in dad rayid ah oo Soomaali ah ay ku dhinteen weerarada. Mr Youssouf, ayaa qirtay in Djibouti aan horay loo ogaysiin weerarada cirka, kuwaasi oo la sheegay in laga fuliyay saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti maalintii Isniinta. Wasiirka arrimaha dibedda, oo wadankiisu uu xad la wadaago Soomaaliya, ayaa sheegay in faragalintii hore ee dibedda ee Soomaaliya in aan lagu gaarin natiijadii laga filayay. Source--BBC Quote Share this post Link to post Share on other sites