Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobolka Nugaal oo kaalinta kowaad ka galay Taakuleynta Ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738497651187.jpg?resize=720%2C48

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Calmiskaad.

Warqad ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad.

Shacabka Puntland oo guud ahaan gobol iyo degmo aan kala harin ayaa garab istaag buuxa u muujiyay ciidamada difaaca ee dagaalka kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo hadda inta badan laga saaray buuraleyda Cal-miskaad kaddib markii ciidamada Puntland kaga guulaysteen dagaalka.

Warqadda ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu muujiyay sida wejigii kowaad ee Taakuleynta Hawlgalka Ciidamada difaaca Puntland ay uga qeyb qaateen gobollada iyo degmooyinka kala duwan waxaana Taakulada Kaalinta kowaad kaga jira Gobolka Nugaal.

Halkaan ka akhriso shaxda

FB_IMG_1738496027748.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Gobolka Nugaal oo kaalinta kowaad ka galay Taakuleynta Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this