Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Puntland oo si wadajir ah u taageeray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Cal-miskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
calanka.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Dhammaan xisbiyada siyaasadda Puntland oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa mucaarid iyo muxaafidba taageeray dagaalka Argagixisada looga saarayo buuraha Cal-miskaad.

Warsaxaafadeedka Xisbiyada siyaasadda Puntland ee kala ah; Mideeye, Sincad, Kaah, Mustaqbal, Horseed, Ifiye, Shaqaalaha iyo Runcad ayaa lagu taageeray hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish (ISIS) ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. 

Xisbiyada Siyaasadda ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka gaaray dagaalka Argagixisada, islamarkaana ka saaray saldhiyo badan oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad, halkaasi oo weli ciidamadu ku raad-joogaan firxadka mileeshiyaadka Daacish.

Xisbiyaddu waxay sidoo kale u mahad celiyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka Puntland iyo taageerayaashooda in ay garab istaagaan ciidanka iyo dowlada Puntland, si loo dhammaystiro guusha laga gaaray kooxaha Daacish oo weli ku dhuumanaya buuraha, inkastoo laga saaray saldhigyo muhiim ah.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1738507636123.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Xisbiyada Puntland oo si wadajir ah u taageeray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Cal-miskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this