Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š Somaliland O๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ก๐š๐ฐ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ก๐š๐ฐ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š
img_2_1738502808761.webp

img_1_1738502786826.webp

img_4_1738502844102.webp

img_3_1738502828372.webp

img_5_1738502866005.webp
Hargeysa-(Qaran news)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta furay kulan-howleed loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hayโ€™adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda, Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda .

Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa.

Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hayโ€™adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this