Sign in to follow this  
General Duke

Ceel-Buur: Ahlu Sunna clan militias defeat Al Shabaab in Maxas Waxbo

Recommended Posts

Dagaal ka qarxay duleedka degmada Ceel-Buur

 

Dagaal qaraar oo u dhexeeya maleeshiyaadka Islaamiyiinta ee kala taabacsan kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlusunna ayaa waxa uu si xaagan iminka uga soconayaan deegaanka Wabxo uu wax yar u jirta magaalada Ceelbuur ee gobolka Gal-gaduud.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa mar qura ka bilowday deegaanka Wabxo oo ey iminka gacan ku haydteeda la wareegeen maleeshiyaadka Ahlusunnah Wal-Jameeca, sida ey wararku nagu soo gaarayaan.

 

Ma cada wali khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas oo iminka kusoo durqaya dhanka magaalada Ceelbuur.

 

Labadan kooxood ayaa indhawaalaba isku hayay gobolada dhexe ee Somaliya, waxaana ey isku hayaan arimo la xiriira xaga fikirka diinta ah.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlu Sunna oo ka faa’ideystay Mashquulka shabaabka weerarna ku qaaday.

 

Friday, 15 May 2009 13:19 BXM

Degaanka Wabxo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka bilowday galabta dagaal xoogan oo u dhaxeeya labo koox diimeed oo kala ah Ahlu sunna iyo Alshabaab.

 

Dagaalkani oo aan la ogeyn sababta uu kubilowday ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in goob ay kusugnaayeen Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Ururka Ahlu sunna iyaga oo ka faa’ideysanaya shabaabka oo Muqdisho u soo wada cararay.

 

Labadani koox ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay isku hayay gacan ku heynta qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya inkastoo horey shabaabka dhowr goobood lagala wareegay oo illaa iyo iminka ay awoodi la’yihiin in ay kulaabtaan.

 

Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay ku mashquulsan yihiin dhinaca Magaalada Muqdisho hayeeshee Kooxda suufiyada ayaa iyaguna u arkay arrintaasi in ay fursad tahay oo ay uga faa’ideysan karayaan inta Gobolada ay kusugan yihiin shabaabka ay badankooda kasii maqan yihiin.

 

Kooxdan Suufiyada ah ayaanan horey dagaallo u geli jirin isla markaasina hub aanan qaadan jirin inkastoo markii Shabaabka ay lasoo baxeen dhaqanno ay si toos ah ugu beegsanayaan kooxdaasi ay iyaguna dhankooda galeen in ay is difaacaan taasi oo keentay in shabaabka laga soo qabsado goobo dhowr ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sunah Waljamaacah oo la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Wabxo iyo qeyb ka mid ah Maxaas.

 

Maleeshiyaadka Urur diimeedka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa guul horu dhac ah ka gaaray dagaalo ay manta kula galeen Deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud, iyagoona sheegay inay Kooxda Alshabaab kala wareegeen Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud.

 

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunah Waljamaacah oo la yiraahdo Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa Warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen Deegaanka Wabxo isla markaana ay ka saareen waxa uu ugu yeeray Khawaarij

 

Waxaa uu sheegay inay soo gaba gabeeyeen howl gal weerar ah oo ay ku qaadeen Wabxo, isagoona sheegay in guud ahaan Deegaanka Wabxo oo bilo ka hor dagaal adag ku dhex maray iyaga iyo Alshabaab.

 

Sheekh C/risaaq ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qeyb ka mid ah Deegaanka Maxaas ay gacanta ku hayaan, isagoo tibaaxay in wali ay dicaayadooda ku jiraan weerarna lagu soo qaaday sida uu yiri

 

Labada Deegaan ayaa waxay yihiin kuwo aan sidaa u kala fogeyn, waxaana sida muuqata wali la dareemayaa xiisadaha u dhaxeeya Shabaab iyo Ahlu Sunah, kaasoo ku soo goostay deegaanada Gobolka Hiiraan.

 

Labadan Urur Diimeed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ay ka mid yihiin Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, halkaasoo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana Ururkan uu u muuqdaa mid la wareegaya Deegaanada Gobolka G/gaduud oo idil.

 

Xaaladaha Labada degmo ayaa caawa degan, inkastoo Degmada Maxaas ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, waxaana ka sokow dagaalka u dhaxeeya Ahlu Sunah iyo Alshabaab ka qeyb qaadanaya Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Maleeshiyaa dka Ahlusunah oo Al-Shabab kala wareegay Maxaas iyo Wabxo kadib dagaalo ay galeen

15. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Maleeshiyada urur diimedka Ahlsunah ayaa gacanta ku dhigay labadii degmo ee uga hartay G/galguduud.

 

Maleeshiyadaan ayaa qabsatay degmooyinka Maxaas iyo Wabxo oo dagaal culus ay maanta kula galeen maleeshiyada Al-Shabab.

 

Afhayeen u hadlay Ahlusunah ayaa sheegay in dagaalka ay iyaga qaadeen ayna ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen Shababka oo uu ku tilmaamay Khawaarij iyo sharci diidayaal.

 

Sh.C/risaq Ashcari ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare badan u geysteen Shababka ayna ka qabsadeen saad iyo hub sida uu sheegay.

 

Waxa uu dhica kale qiray in dagaalka ay garab ku siiyen maxaakimta G/Hiiraan oo ay iska dhinac dagaalamayeen.

 

Qabsashada laga qabsaday Shababka labadan degmo ayayna ka hadlin waxaana ay wadaan abaabul dagaal oo ay mar kale la galaan maleeshiyaadka Sunada.

 

G/Galguduud ayaa waxaa uu ku soo biiray meelaha ay ku hardamayaan kooxa diimedyada.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this