Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhex-qaraxday Mareykanka iyo Canada kadib tallaabo uu qaaday Trump

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-Trudeau-scaled.jpg?fit=2560%2C1833

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tacriif ama canshuuro baaxad leh oo lagu soo rogayo Canada, Mexico iyo Shiinaha, isaga oo adeegsanaya awoodaha degdegga ah ee dhaqaalaha, wuxuuna sabab uga dhigay “khatarta weyn” ee ka imanaysa tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka.

Badeecadaha laga soo dhoofiyo Canada iyo Mexico ee Mareykanka ayaa la saari doonaa canshuur dhan 25 boqolkiiba, inkasta oo kheyraadka tamarta ee Canada uu yeelan doono canshuur hoose oo ah 10 boqolkiiba, iyada oo laga billaabayo Talaadada.

Alaabaha ka imaanaya Shiinaha, oo horey u wajahaya heerar kala duwan oo canshuuro ah, ayaa lagu dari doonaa 10 boqolkiiba oo dheeraad ah, sida uu Trump sheegay.

Trump ayaa adeegsanaya Xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Xilliga Degdegga ah si uu u meel mariyo canshuurahan, iyada oo Aqalka Cad uu sheegay in “halista daran ee ay keeneen dadka muhaajiriinta ah ee sharci-darrada ah iyo daroogooyinka, oo ay ku jirto fentanyl halis ah, ay xadgudub ku tahay ammaanka qaranka.”

Ujeeddada ayaa ah in saddexda waddan lagu cadaadiyo “inay u hoggaansamaan ballamahooda ah inay joojinayaan tahriibka sharci-darrada ah iyo in la xakameeyo fentanyl iyo daroogooyinka kale ee sunta ah,” sida uu Aqalka Cad yiri.

Washington ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeedisay dowladda Mexico, iyada oo ku tilmaantay inay “xiriir aan la aqbali karin” la leedahay kooxaha ka ganacsada daroogooyinka.

– Saameynta ganacsiga iyo digniinta khubarada –

Go’aankan ayaa halis gelinaya silsiladaha sahayda ganacsiga, laga soo billaabo tamarta illaa baabuurta iyo cuntooyinka.

Trump ayaa marar badan muujiyay taageerada uu u hayo canshuuraha ganacsiga, wuxuuna muujiyay in tallaabadan ay tahay bilowga is-mariwaaga ganacsiga ee mustaqbalka.

Toddobaadkan, wuxuu ballanqaaday inuu canshuuro saari doono Midowga Yurub mustaqbalka dhow.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu canshuur dheeraad ah ku soo rogayo qalabka elektarooniga, biraha sida birta iyo aluminium-ka, iyo sidoo kale saliidda iyo gaaska.

“Canshuuraha waa aalad awood leh oo la isku halleyn karo si loo ilaaliyo danaha qaranka,” ayuu Aqalka Cad sheegay.

Trump, oo ku sugnaa Florida dhammaadka toddobaadka, ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waa waajib i saaran in aan ilaaliyo dadka Mareykanka, waana xilkeyga Madaxweyne ahaan in aan sugo nabadgelyada muwaadiniinta.”

– ‘Dagaalka Ganacsiga oo Xoogeysanaya’ –

Wendy Cutler, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Machadka Siyaasadda ee Asia Society, isla markaana horey uga mid ahayd kooxda gorgortanka ganacsiga ee Mareykanka, ayaa sheegtay in go’aanka la shaaciyay Sabtidii uu si cad u muujinayo in saaxiibada ganacsiga ee Mareykanka, deriskiisa iyo wadamada heshiiska ganacsiga xorriyadda la leh, ay wajahayaan khatar weyn.

“Tallaabadan maanta la qaaday waa bilowga dagaal canshuureed oo cusub,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Waxay intaa ku dartay in Canada iyo Mexico ay wajihi doonaan cadaadis gudaha ah oo ku saabsan in ay ka jawaabaan go’aanka Mareykanka.

Iyadoo saddexda dal ay wadaagaan heshiis ganacsi, canshuuraha cusub ayaa “saameyn degdeg ah oo xoog leh” ku leh dhammaan dhinacyada, sida ay sheegtay.

Canshuuraha ballaaran ee la saaray saddexda dal ee ugu waaweyn ganacsiga Mareykanka waxay halis ku yihiin Trump, kaas oo ku guuleystay doorashadii bishii November ayada oo ay dad badan ka cawdeen xaaladda dhaqaale.

Kharashyada sare ee soo-dhoofinta waxay sababi karaan in macaamiishu yareeyaan wax iibsiga iyo ganacsigu hoos u dhaco, sida uu sheegay Gregory Daco, oo ah khabiirka dhaqaalaha ee shirkadda EY.

Wuxuu saadaaliyay in sicir-bararka uu sare u kici doono 0.7 boqolkiiba rubuci koowaad ee sanadkan ka dibna tartiib u yaraan doono.

“Shaki badan oo ku saabsan siyaasadda ganacsiga waxay keeni doontaa jahwareer suuqyada maaliyadeed iyo cadaadis la saaro ganacsatada, inkasta oo maamulka uu sheegayo inuu u janjeero dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sidoo kale filaya in kororka canshuuraha uu dhaawacayo koboca dhaqaalaha.

Dhanka kale, taageerayaasha Trump ayaa yareeyay cabsi laga qabo in canshuuraha ay sare u qaadi doonaan sicir-bararka, iyaga oo ku dooday in qorshihiisa dhimis canshuuraha iyo fududeynta xeerarka ganacsiga ay dhiirrigelin doonto kobaca dhaqaalaha.

– Jawaabaha Canada iyo Mexico –

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa Jimcihii sheegay in Ottawa ay diyaar u tahay “jawaab adag oo si gaar ah looga baaraan degay.”

Ra’iisul Wasaaraha gobolka Ontario, Doug Ford, oo ah xarunta dhaqaalaha Canada, ayaa ka digay anshuuraha ay sababi karaan shaqo la’aan iyo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha.

“Waxaan u istaagaynaa waxa saxda ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa ka dib shaacinta canshuuraha sheegtay in aysan ka welwelsaneyn arrinta, maadaama ay aaminsan tahay in “dhaqaalaha Mexico uu yahay mid adag.”

Wasiirka dhaqaalaha Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa Sabtidii sheegay in shirkadaha gaarka ah ee dalkaasi ay mideysan yihiin si ay uga falceliyaan “tallaabooyinka ganacsi ee loo arko kuwo sharci-darro ah.”

Hogaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Senet-ka Mareykanka, Chuck Schumer, ayaa ka digay in canshuuraha cusub ay “kordhin doonaan qiimaha badeecadaha ay dadka Mareykanka iibsadaan.”

Canada iyo Mexico waa sahay-bixiyeyaasha waaweyn ee badeecadaha Mareykanka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale, canshuuraha la saaray waxay si weyn u saameyn doonaan warshadaha baabuurta, iyada oo soo saarayaasha baabuurta iyo qeybaha ay ka kooban yihiin ay ku baahsan yihiin saddexda waddan.

Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in kordhinta cashuuraha dhoofinta saliidda cayriin ee dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Mexico ay khatar gelin doonto qiimaha tamarta ee Mareykanka.

Warbixin ay soo saartay Congressional Research Service ayaa muujisay in ku dhawaad 60 boqolkiiba saliidda cayriin ee Mareykanka uu soo dhoofiyo ay ka timaado Canada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this