Sign in to follow this  
Deeq A.

Carabta oo go’aan ka soo saaray qorshaha xasaasiga ee uu damacsan yahay Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Sabtidii si adag u diiday qorshe kasta oo dhigaya in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda xaalad kasta ha noqotee, iyagoo muujiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah baaqii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka ku dhaqan Marinka Gaza.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiinta ka kala socday dalalka Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Qadar, Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiin, iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabo noocaas ah ay khatar weyn ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay fidinayso colaadda, ayna wiiqayso rajada laga qabo nabad waarta.

“Waxaan si cad u diidnay isku day kasta oo lagu wax-yeelayo xuquuqda asaasiga ah ee aan gorgortanka gali karin ee shacabka Falastiin, ha ahaato mid lagu sameynayo howlgalada deegaamaynta sharci-darrada ah, ama barakicin, ama dhul-boobka ama iyadoo dhulka laga faarujinayo dadkii lahaa… si kasta, xaalad kasta ama marmarsiiyo kasta ha ahaatee,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka wadajirka ah.

Waxay rajo ka muujiyeen inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka Trump si loo gaaro nabad caddaalad ku dhisan oo dhammaystiran, taasoo ka dhalata Bariga Dhexe iyadoo lagu saleynayo xalka labada dowladood, ayey hadalkooda raaciyeen.

Kulankan ayaa yimid kaddib markii Trump uu toddobaadkii tegay sheegay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza, oo uu ku sifeeyay “goob burbursan” kaddib 15 bilood oo ay duqeyn ba’an ka wadday Israa’iil, taasoo hoy la’aan dhigtay inta badan 2.3-da milyan ee qof ee ku nool. Dadka dhaliila qorshahan ayaa ku tilmaamay mid la mid ah isir-sifeyn.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Arbacadii si cad u diiday qorshaha ah in Masar ay fududeyso barakicinta dadka reer Gaza, wuxuuna sheegay in shacabka Masar ay isugu soo bixi doonaan waddooyinka si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga ahayn arrintaas.

Trump oo ku adkeysanaya qorshahiisa

Hase yeeshee, Khamiistii, Trump ayaa markale ku celiyay hadalkiisa, isagoo yiri: “Wax badan ayaan u qabannaa iyaga, waana inay aqbalaan,” isagoo u muuqday inuu tixraacayo kaalmada badan ee Mareykanka, oo ay ku jirto taageerada militari, ee uu siiyo labada dal ee Masar iyo Urdun.

Soo jeedin kasta oo ah in Falastiiniyiinta ay ka baxaan Gaza, oo ah dhul ay doonayaan inay ka dhistaan dowlad madax-bannaan, waxay ahayd mid aysan marnaba aqbali karin hoggaanka Falastiin muddo dheer, waxaana si isdaba joog ah u diiday dowladaha Carabta ee deriska la ah tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023.

Dalka Urdun ayaa haatanba hoy u ah malaayiin Falastiiniyiin ah, halka tobanaan kun oo kalena ay ku nool yihiin gudaha Masar. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Urdun ayaa labaduba si kulul u diiday soo jeedinta Trump maalmihii u dambeeyay.

Wasiirrada Carabta ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha Masar ee ah inay martigeliso shir caalami ah oo ay ka soo qaybgalayaan Qaramada Midoobay, kaasoo xoogga lagu saari doono dib-u-dhiska Gaza, oo inta badan burbur xooggan uu soo gaaray intii lagu guda jiray 15-ka bilood ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Illaa hadda ma jirto wax waqti ah oo loo qabtay qabsoomidda shirkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this