Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka militariga dowladda Turkiga, S/Guud Metin Gurak, ayaa soo gaaray magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana soo dhoweyn heer sare ah u sameeyay saraakiisha ugu saraysa ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga.

Taliye Metin Gurak waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo safiirka Turkiga u joogo Soomaaliya iyo  saraakiil kale.

Socdaalka General Metin Gurak, ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu yiri war ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamadda militry Turkiga General Metin Gurak, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday dekeda Muqdisho oo uu ku sugnaa markab dagaal oo ciidamadda badda Turkiga leeyihiin iyo dugsiga Turksom.

Imaanshaha taliyahan ayaa ku soo beegmaysa xilli dbowaan la filayo inuu Muqdisho soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdoğan, wuxuuna Turkigu xoojinayaa taageeradiisa militari ee Soomaaliya iyo joojitaankiisa dalkan muhiim ah ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this