Sign in to follow this  
Deeq A.

Warsangali iyo Dhulbahante waxa ay la dagaalamayaan beelaha Garxajis iyo Habarjeclo….Somaliland Nabad ayay ugu baaqaysaa beelahaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Colaada ka aloosan qaybo ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag xiligani ma aha mid u dhaxaysa Somaliland iyo beelaha Warsangali iyo Sool clan ee waa colaad ay hurinayaan dad ka baxsan deegaanka.

Waxana ay colaadani isu rogtay mid u dhaxaysa beelaha wada dega gobolka Sanaag iyo Sool, waxana colaadani lagu soo go’aamiyay magaaladda Badhan oo ku taala bariga Sanaag.

Beelaha Warsangali iyo Sool clan waxa ay soo saareen ama go’aansadeen in ay dagaal la galaan beelaha ay jaarka yihiin ee West Burco Clan iyo East Burco Clan.

Lama oga waxa sababay in beelahaasi oo heshiis ahaa in xiligani la soo dhex dhigo colaad kaga timaada dibada.

Ma jiraan deegaan ay Warsangali iyo Sool clan leeyihiin oo ay beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan ay haystaan.

Gobolada Sanaag iyo Soolba waxa jira xuduud u dhaxaysa beelaha xagaasi wada dega mana jiraan dhul ama deegaan ay kala haystaan qolo waliba waxa ay joogtaa deegaankeedii.

Colaadani ay hada ku dhawaaqeen beelaha Warsangali iyo Sool clan waxa ay noqon doontaa mid halisteeda leh iyagaana ka masuul ah wixii ka yimaada

Waxana haboon in nabada ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday la soo dhaweeyo oo beelaha ay dirirtu u dhaxaysaa ay aqbalaan nabada iyo gogosha uu dhigay madaxweynaha Somaliland

Waxana la gudboon in

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this