Deeq A. Posted February 1 Wararka ka imaanaya dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shidaal yari xooggan laga dareemayo magaalada xarunta ah eeJigjiga iyo qaybo badan ka mid ah deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyada oo gaadiidlaydu ay cabasho ka muujiyeen. Dhacdadan oo saamayn ku yeelatay bulshada ayaa si gaar ah u saamaysay gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha caasimadda deegaanka oo safaf dhaadheer u gala sidii ay shidaal u heli lahaayeen. Maxaa sababay shidaal-yarida Jigjiga Arrintan oo taagnayd bilihii ugu dambeeyay ayaa loo sababaynayaa in ay salka ku hayso dawladda Itoobiya oo joojisay kabkii ay siin jirtay ganacsatada shidaalka keenta dalka Itoobiya. Sida caadiga ah, dawladda Itoobiya waxay shidaalka ka soo dejisaa dekadaha ay adeegsato ee Jabuuti iyada oo qiimo jaban ka siisa ganacsatada. Dhacdo kale, waa in dawladda Itoobiya ay sannadkii la soo dhaafay ay joojisay dhammaan gawaadhida shidaaka ku shaqaysa ee sida gaarka ah loo leeyahay, iyada oo taasi beddelkeeda amar ku bixisay in dalkeeda la soo gelin karo keliya gaadiidka isticmaala korontada. Tallaabadaasi waxa ay dalkan ku yaalla bariga Afrika ka dhigtay kii ugu horreeyay ee soo saara amar noocan oo kale ah dhammaan caalamka oo uu ku mamnuucayo isticmaalka gaadiidka ku shaqeeya shidaalka. Saamaynta ka dhalatay Shidaal yarida ka jirta caasimadda deegaanka Soomaalida ayaa saamaynteeda laga dareemay gaadiidka u kala baxa gobollada deegaanka, si gaarna waxa sare ugu kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaanno. Maxamuud Haybe waa mid ka mid ah darawallada ku shaqaysta mooto bajaajta ee magaalada Jigjiga waxa uu BBC-da uga warramayaa sida ay u saamaysay shidaal yarida ka jirta deegaanka. “Halkan waxa aan soo istaagay saaka sagaalkii subaxnimo ilaa haddana waan joogaa aniga oo saf ugu jira kaalinta. Baajaajtan anigu ma lihi ee waxa aan ka ahay darawal. Ninka iska leh habeen walba waxa uu iga rabaa in aan bixiyo lacagta aan ku heshiinnay. Si gaar ah, aniga noloshaydu waxa ay ku tiirsan tahay bajaajtan oo aan qoyskayga ka masruufo.” Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaan war ka soo saarin dhibaatada ka taagan kaalmaha shidaalka, hase ahaatee waxa ay dhanka kale dawladdu shaacisay in ay maanta oo keliya ay soo qabteen ku dhawaad 6 kun oo litir oo baansiin ah kuwaasi oo ay dawladdu ku sheegtay in si sharci darro ah loogu iibinayay goob qarsoodi oo ku taalla gudaha magaalada. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee deegaanka Soomaalida waxa xabsiga loo taxaabay dad aan tiradooda la cayimin oo lagu sheegay in la qabtay iyaga oo faraha kula jira shidaal sharci darro ah oo ay u iibinayeen si dhuumaalaysi ah. Doorka kaalimaha shidaalka iibiya Xarumaha lagu iibiyo shidaalka deegaanka ayaa noqday kuwo si maalinle ah ay safaf dhaadheer ay ugu jiraan noocyada kala duwan ee gaadiidka. BBC-du wax ay ogaatay in ay jiraan kaalimo shidaal oo gebi ahaanba xidhan. Ganacsatada kaalimaha shidaalka qaarkood oo ka gaabsaday in magacooda la baahiyo oo aan waraysannay waxa sheegeen in dhibaatada shidaal yaridu ay tahay mid ka timid hab-maamulka shidaalka, gaar ahaan waxaa ay xuseen in caqabad weyn ay ka taagan imaanshaha shidaalka laga keeno Jabuuti oo mararka qaarkood qaata muddo bilooyin ah. “Booyad kasta oo baasiin waddaa waxa ay nagu qaadataa in ay noogu timaaddo muddo bil ah. Laakiin waxa ay na haysaa keliya afar maalmood. Booyad kale in aan dalbano haddana waxa ay u baahan tahay bil kale oo dheeraad ah. Mar kasta baahida shidaal ee aan qabno waxa laga hor mariyaa maagaalooyinka kale ee dalka sida Addis Ababa iyo Adama”, ayaa uu yidhi mid ka mid ah maamulayaasha kaalimaha shidaalka oo la hadlayay BBC. Waxa aan isku daynay in tabashada gaadiidlayda iyo tan kaalimaha shidaalka aan wax ka weydiiso xafiisyada ay arrintani sida gaarka ah u khusayso, laakiin waa ay ka gaabsadeen in wax faahfaahin ah ka bixiyaan. Bayaanka baarlamaanka Dhawaan ayay ahayd markii Golaha Wakiillada Shacabka ee dalka Itoobiya uu ansixiyay bayaan hor leh oo lagu maamuli doono ka ganacsiga shidaalka, kaasi oo dhigaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in shidaal ay ku iibiso hannaan aan waafaqsanayn kan dawladda. Bayaankan ayaa dhigaya tallaabooyinka laga qaadayo qofka mulkiilaha ah ee lagu qabto isaga oo shidaalka uga ganacsanaya hab sharciga baalmarsan sida qiimo kordhin, qarin shidaal, dhimista cadadka, isku darka naafto iyo bansiin, koontarobaan iwm. Itoobiya ayaa muddo ka mid ahayd waddamada ugu jaban dhanka shidaalka guud ahaan Qaaradda Afrika iyada oo kab siin jirtay ganacsatada soo dejisa shidaalka. Laakiin in muddo ah waxa soo noqnoqotay cabashada iyo walaaca laga qabo shidaalka oo aan ku filnayn gaadiidka qaybihiisa kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, shidaal yarida ka jirta magaalada Jigjiga iyo qaybo ka mid ah Deegaanka Soomaalida ayaa ah mid si weyn looga dareemay isu socodka magaalada gudaheeda iyada oo laga cabsi qabo in korodh uu ku yimaado maciishadda Bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites