Deeq A. Posted January 31 Nin dhawaan qoyskiisa ka soo raray Mareykanka kuna soo celiyay dalka Pakistaan ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa oo aan qaan-gaarin sababtoo ah waxaa uu dhibsaday oo uu ka carooday muuqaallada ay ku baahiso bar ay ku laheed TikTok, sida ay boolisku u sheegeen BBC-da. Anwar ul-Haq ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii uu qirtay in uu gabadhiisa Hira ku toogtay magaalada Koonfur-galbeed ee Quetta Talaadadii. Wuxuu markii hore u sheegay baarayaasha in rag aan la aqoonsan ay ka dambeeyeen toogashada. Aabahan, oo haysta dhalashada Mareykanka, ayaa sheegay in uu u arkay in muuqaallada ay gabadhiisa baahin jirtay ay yihiin “kuwo ka soo horjeeda dhaqanka qoyskiisa”. Booliisku waxay sheegeen inay eegayaan dhinac walba, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in loo dilo in qoysku ay dhowrtaan sharftooda, taasoo aan ku cusbayn dalkaas. Boqolaal qof oo u badan haween ayaa u dhinta waxa loogu yeero dilalka lagu difaacayo sharafta qoysaska ee Pakistan sannad kasta, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Dilalkan ayaa waxaa inta badan geysta dad qaraabo ah oo sheegay inay ka hortagayaan waxyaabaha dhaawici kara sharafta qoyskooda. Kiiska Hira Anwar, oo da’deeda lagu qiyaasay 13 ilaa 14 sano jir, ayaa afhayeen u hadlay booliska waxaa uu sheegay in qoyskeedu “ay ka soo horjeesteen lebbiskeeda, qaab nololeedkeeda iyo isticmaalkeeda baraha bulshada”. Qoysku waxay ku noolaayeen Maraykanka 25 sano waxayna Hira bilawday inay ku dhejiso waxyaabaha TikTok xitaa ka hor intaan qoyskeedu u guurin Pakistan. Baarayaasha ayaa sheegay inay hayaan taleefankeeda, kaasoo xiran. Aabbahaan nin seedi u ah ayaa sidoo kale loo xiray dilka, sida ay boolisku shaaciyeen. Haddii lagu helo dilkaan looga hortago wax loo yaqaanno difaaca sharafta qoyska nimankaan waxay wajihi doonaan xukun xabsi daa’in ah oo khasab ah, kaas oo ay wax ka bedeshay sharcigiisa dowladda Pakistan sanadkii 2016-ka. Marka hore, waxay ka fogaan karaan in xabsiga lagu xukumo haddii ay cafis u fidiyaan qoyska dhibbanaha. Sanadkii 2023, maxkamad Talyaani ah ayaa ku xukuntay lamaane Pakistani ah xukun xabsi daa’im ah kadib markii ay dileen gabadhooda oo 18 jir ahayd sababtoo ah waxay diiday guur loo soo bandhigay. Sanad ka hor, xidigtii baraha bulshada ee dalka Pakistan Qandeel Baloch walalkeed ayaa la sii daayay kadib markii eedeeyay inuu dilay walaashii, isaga oo racfaan ka qaadatay. Horay ayaa loogu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu qirtay dilka 2016-kii, isagoo sheegay in ay sabab u tahay in ay ceeb u soo jiiday qoyska. Dalalka dacweeyay TikTok iyo kuwa laga mamnuucay In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2024-ta dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kaca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada. Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonayay in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer. Dhowr jeer ayaa qaar ka mid ah dalalka caalamku waxay mamnuuceen isticmaalka bartaan TikTok, iyagoo u sababaynaya dhibaatooyin laga dhaxlo sida ay sheegeen iyo saameyn uu ku yeeshay dhinacyo badan oo nolosha ah. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Australia, Belgium oo mar si ku meel gaar ah u mamnuucay, Canada ayaa iyana ku dhawaaqday in dowladdu aysan isticmaali karin barta TikTok, iyadoo sheegtay in khatar aan la aqbali karin ay ku leedahay amniga. Ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan ee deriska la ah Pakistaan ayaa sanadkii 2022 mamnuucay aaladdan TikTok, waxayna sababta ku sheegeen xilligaas in laga hortagayo in la marin habaabiyo dhalinyarada. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites