Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta ay Somaliland ay shatiga ugala noqotay ganacsade ajinabi ah oo Xoolaha Dhoofiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xidhay, oo ruqsadiina kala noqotay Maxjarka lagu hubiyo caafimaadka xoolaha ee ku yaala Magaalada Berbera, kaas oo sida ay sheegtay uu leeyahay ganacsadaha Carbeed ee Xoolaha Dhoofiya oo lagu magacaabo Abu Yaasir, oo ay Somaliland ku eedaysay inuu caqabad ku noqday Dhoofinta Xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb, oo BBC-da la hadalay ayaa sheegay in ganacsadahan uu ka werwereegay inuu ka noqdo heshiis la sheegay inuu la galay Dawladda Soomaaliya, ka dibna ay xireen Maxjarkii uu Berbera ku lahaa.

“Waxaad ogtahay suuqa weyn aanu leenahay waa Sacuudi Carabiya marka waxaa jira saddex Maxjar oo xoolaha la mariyo, mid ka mid ah oo uu maamulo ganacsade Abuu Yaasir ayaanu go’aan ka gaarnay oo aan xirnay”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ninkan uu farogelin ku sameeyay madaxbaanida Somaliland

Ninkan waxa uu carqaladeeyay xoolihii laga dhoofinayay Berbera ka dib markii uu Soomaaliya heshiis ku saabsan xoolaha Berbera laga dhoofiyo la soo galay.”

“Markii aanu ogaanay inuu heshiiskaas Soomaaliya la soo galay oo ahayd arrin uu qarinayay ayaan u yeernay isagoo Jabuuti jooga oo aanu niri kaalay, wuu noo yimid, waan soo dhaweynay ka dibna arrimhii baan wax ka weydiinay waxaana u sheegnay in heshiiskaan uu galay ay tahay arrin xaaran ah oo dambi ah, waxaana kula talinay inuu ka laabto laakiin wuu ka warwareegay marka tallaabada aanu qaadnay waxay noqotay inaan xirno Maxjarkiisii oo aan shatigii kala noqono,” ayuu yiri wasiirka.

BBC-da si madax bannaan uma xaqiijinkarto in Abuu Yaasir uu heshiiskaas la galay dowladda Soomaaliya. Xiriir aanu la sameynay dowladda Soomaaliya oo arrintan la xiriirana weli wax jawaab ah kama aanan helin. Sidoo kale ninkaan ayaysan noo suuragalin inaan helno.

Hase yeeshee mar sii horreysay ayaa dowladda lagu eedeeyay in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soomaaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go’aankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale.

Waxay markaasi ku doodeen in go’aankankaasi uu wiiqayo ganacsigii xoolaha gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya.

Ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da, ariga iyo idaha oo qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan 2023 ayaa loo dhoofiyaa boqortooyada Sacuudiga.
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan xubnahii markaas soo saaray warqadda dowladda lagu cambaareynayo oo BBCda la hadlay ayaan weeydiinay hadddi ay wax caddeyn ah u haayaan warka sheegay in xoolaha Soomaaliya loo xiray hal shaqsi oo shisheeye ah, waxaana uu kaga jawaabay ” waxa aan caddeyn u haynaa ganacsatadii Soomaaliyeed oo ka cabaneysa meel walba iyo goobihii ay ka dhoofi jireen xooluhu xog naga soo gaaraysa”.

Mar la weeydiiyay Xildhibaan Mursal in xogtaasi ay hayaan ay kala hadleen dowladda iyo in kale waxa uu sheegay ” in hadda Baarlamaanku uu fasax ku maqan yahay, marka uu baarlamaanku fasax ku maqan yahayna ay adag tahay in la qaado tallaabooyinkii dastuuriga ahaa oo dowladda lagula xisaabtamayo, sida in loo yeero wasaaradda ay quseyso macquul ma aha” isagoo intaasi ku daray in arrimahaasi awgeed xalku uu yahay in aan warqad digniin ah in aan ka qorno aan is tusnay” ayuu yiri.

Dhanka kale Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee Somaliland, oo cabashada ka muujiyey ninkan Ganacsadaha ah ee la sheegay in Dhoofka Xoolaha loo xiray oo BBCda la hadlay mar sii horreysay ayaa yiri : “iyadoo xoolahu ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha soomaalida in arinkani uu saameyn ku yeeshay iibkii xoolaha”. Isagoo intaasi ku daray in waxa dhabta ah ee ay ka cabanayaan ay tahay in ganacsigii xoolaha dhamaan qof gaar ah gacanta loo geliyo oo la yiraahdo “kaligii ayaa xoolaha dhoofin karo oo maxjarkiisa oo qura ayey ka baxayaan”.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this