Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka ganacsiga oo Berbera ku qaabilay wakiilka Hay’adda WFP

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa magaalada Berbera ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Atienne Peterschmitt, kaasoo booqasho ku imi dalka. Waxa uu Wasiirku booqasho ku geegay Wakiilka Dekedda Berbera si uu usoo indho-indheeyo hawlaha ganacsi ee Dekedda waxaana Wasiirku uga war-bixiyay qaabka ay u hawluhu u socdaan iyo qaabka xoolaha iyo wax-soo-saarka Dalka loo dhoofiyo.

Intaa kadib, labada masuul oo kulan yeeshay ayaa lagaga wada hadlay waxyaabaha ay iska kaashankaraan, waxaana kulankaa kasoo baxay in la iska kaashado arrimahan soo socda:

1. Horumarinta Siyaasadaha iyo Xeerarka la xidhiidha Ganacsiga Yaryar, kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, gaar ahaan Siyaasadda iyo Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Dadka (PPP policy and law) iyo Sidii looga caawinlahaa Ganacsiyada la xidhiidha wax-soo-saarka khayraadka dabiiciga gaar ahaan kalluunka, xoolaha nool iyo dalagga beeraha inay suuq u helaan wax soo saarkooda (access to markets).
2. Sidii kor loogu qaadi lahaa Tabobarrada la xidhiidha Awoodda Ganacsatada iyo Shaqaalaha Wasaaradda iyadoo lagu tabobarayo fahanka Suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Ugu dambayntii waxa kulanka lagusoo gunaanaday in wada shaqay dhaw la yeesho lana dardargaliyo kulanno dheeraad ah oo lagu xoojinayo wada shaqaynta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this