Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah oo laga raafay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738301849358.jpg?resize=720%2C48

In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa shalay laga raray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii ciidamada Amnigu ka raafeen magaalada, si loogu celiyo dalkoodii.

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan Boosaaso ka sameeyay hawlgal xooggan oo lagu raafayo ajaanibta ayaa goobo cayiman ku ururiyay Soogalootiga Itoobiyaanka, halkaasi oo laga soo saaray gaadiid xamuul ah.

Gaadiidka xamuulka ah ee siday Qaxootiga la raafay ayaa waxa dowladda Puntland u xilsaartay Ciidamo ilaaliya, kuwaasi oo si nabad ah ku gaarsiiya degaanno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ee DDS.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Todobaadkan magaalada Garoowe ka raaftay in ilaa 1,000 qof oo Soogalooti Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda, sababa la xiriira in aysan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish u adeegsan ciidan ahaaan.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah oo laga raafay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this