Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland iyo sidii loogu soo dhaweeyay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

img_3_1738251075527.webp

img_4_1738251090797.webp

img_5_1738251105102.webp

img_2_1738251058025.webp

img_6_1738251120790.webp

img_7_1738251138719.webp

img_8_1738251156586.webp

img_9_1738251174661.webp

Hargeysa -(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta ayaa galabta si nabad gelyo leh ugu soo laabtay dalkooda hooyo iyagoo guulo waa weyn ka soo hooyey safarkaasi .

Madaarka Cigaal International waxaa madaxweynaha iyo waftigiisa ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubno door ah oo ka tirsan xukuumada .

Nuxurka guulaha ka soo baxay safarka Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaaradka Carabta waxaa warbaahinta uga xog waramay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo Wasiirka madaxtooyada , waxaana ay hoosta ka xariiqeen in Guulaha safarkaasi laga soo hooyey ay dhawaan ka muuqaan doonan xukuumada Wadajir iyo Waxqabad .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this