Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo muujiyey sida ay Soomaaliya ugu weyn tahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Erdogan-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee haya talada dalka Turkiga ayaa laba heshiis oo kala duwan la saxiixanaya xisbiyo siyaasadeed oo ka jira dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo sii adkeeyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee uu la leeyahay labadan dal ee Bariga Afrika.

Arbacadii, ku-xigeenka guddoomiyaha AKP, Zafer Sirakaya, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarinta (UPD) ee talada Soomaaliya haya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, iyagoo ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Saraakiil Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in heshiis la mid ah Jimcaha lagula saxiixan doono magaalada Addis Ababa xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo (PP).

Sida ay saraakiishu sheegeen, heshiiskani wuxuu fududeyn doonaa in labada dhinac ay iska kaashadaan cilmi-baaris, tababarro, la-tashiyo, iyo is-dhaafsiga macluumaadka.

AKP, oo labaatan sano xukumayay Turkiga, ayaa rajaynaya inuu waayo-aragnimadiisa dhanka hoggaaminta ah u gudbiyo xulafadiisa labada dal, isla markaana uu kobciyo iskaashiga bulshada rayidka ah iyo kor u qaadidda ganacsiga labada dal.

Turkigu wuxuu dhex-dhexaad ka yahay khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna door dhex-dhexaadiye ka qaatay wada-hadallada lagu xallinayo xiisadaha Geeska Afrika.

Xiisadahan ayaa sii xoogeystay ka dib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland horraantii sanadkii 2024-kii.

‘Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba’

Ilo wareed xog-ogaal u ah arrintan, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkigu markii hore qorsheeyay inuu heshiiska iskaashiga la saxiixdo Itoobiya dayrtii la soo dhaafay, balse uu dib u dhigay si looga fogaado in loo arko mid dhinac u xaglinaya.

Bishii December, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay Ankara ku kala saxiixdeen is-afgarad ka dib toddobo saacadood oo wadahadal adag ah, kaas oo lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, laguna bilaabay wadahadallo ku saabsan sidii Itoobiya loo siin lahaa marin badda Soomaaliya ah.

Inkastoo heshiiska lagu xaliyay qodobkii ugu weynaa ee sababay muranka labada dal, haddana xiriirkoodu weli waa mid aan xasilloonayn.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar, oo iyaduna khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya muranka la xiriira xuquuqda kheyraadka biyaha ee webiga Nile.

“Waxaa halkan xusid mudan in [Ankara] aysan qaadin wax tallaabo ah oo gobolka ah iyadoo aan tixgelinayn Soomaaliya. Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba oo la qaadayo,” ayuu yiri Tunc Demirtas, khabiir goboleed oo ku xiran xarunta cilmi-baarista ee SETA oo fadhigeedu yahay Ankara.

Wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu “aragti goboleed” ka leeyahay Geeska Afrika, uuna ka shaqeynayo sidii uu xiriirro wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka kale ee gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in wafdiga AKP, oo uu hoggaaminayo Sirakaya, ay sidoo kale lagu wado inay heshiis is-afgarad ah la saxiixdaan Jabuuti toddobaadka soo socda, kaas oo la mid noqon doona kan ay la saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xiriir wanaagsan la leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, taas oo qayb ahaan sabab u ah go’aankii Ankara ee ahaa inay Itoobiya ka iibiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan sanadkii 2021-kii.

Diyaaradahaas ayaa door muhiim ah ka ciyaaray inay ka caawiyaan ciidamada Itoobiya inay dib u celiyaan jabhadihii kusoo duulay caasimadda.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ah mid aad u ballaaran, muddo dheerna soo jiray.

Soomaaliya waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ciidan oo Turkigu leeyahay, halka shirkado Turki ah ay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo ay jirto xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah la saxiixatay Turkiga bishii Febraayo ee sanadkan.

Heshiiska ayaa u ogolaanaya Ankara inay dhisto, tababarto, ayna qalabeyso Ciidanka Badda Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliso biyaha dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sidoo kale Turkiga siinaya xuquuqda ah inuu kheyraadka shidaalka ka baaro xeebaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this