Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba diyaaradood oo isku dhacay Mareykanka iyo rakaab weli la la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
475780995_1042342367923078_4636542236395

Washington (Caasimada Online) – Waxaa isku dhacay diyaarad rakaab oo Mareykanku leeyahay iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo milatariga Mareykanku leeyihiin, sida ay sheegtay waaxda maamulka hawada fedraalka ee FAA.

Diyaaradahan ayaa isku dhacay xili ay marayeen bartamaha hawada dhow ee magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka.

Labada diyaaradood ayaa ku dhacday webiga Potomac, oo marta Washinton, sida laa soo xigtay Washington iyo waaxda waaxda adeegga degdega ah.

Diyaaradda helicopterka waxaa saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah halka saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ay saarnaayeen diyaaradda milatariga Mareykanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in warbixin kooban loo siiyay shilka uuna aad uga xun yahay qaabka wax u dheceen isagoo u mahadceliyey hawl wadeenada gurmadka deg degga ah

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in webiga Potomac laga soo saarey meydadka illaa 19 oo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda America Airlines oo ay isku dhaceen Black Hawk helicopter meel ku dhow Reagan National Airport.

Baaritaan ayaa weli socda, waxaana la baadi goobayaa dadka ka badbaaday shilka diyaaradahaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this