Sign in to follow this  
Deeq A.

Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay agagaarka galbeedka gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab xilli ay kasoo talaabeen jinga wabiga Shabelle.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan ayaa waxaa haatan dib uga bilowday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Si kastaba, HirShabelle  ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Shabaabka, waxaase ka soconaya howlgallo ujeedkooda uu yahay in looga xoreeyo maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this