Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo qaaday tallaabo deg-deg ah oo looga hortegayo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?fit=1505%2C1280&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta sidii loogu hortagi lahaa beegsiga lagu bilaabay ajaaniibta ku sugan deegaanadeeda, kadib markii la dhibaateeyay Itoobiyaan ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.”

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dhibaatooyinkan, oo ay ka qaarkood ka dambeeyeen dadweyne caraysan oo beegsaday Itoobiyaanka, sida sharci darrada ah ku jooga magaalooyinka maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in waajib ay tahay  ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, waxayna tilmaamtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ka fogaadaan fal kasto oo xad-gudub ah ku ah sharciga, gaar ahaan dhibaatada dadka ajanabiga ah.

“Sidaas darteed, wasaaradda ayaa mar kale ugu baaqaysa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Puntland shalay ay bilowday in deegaanadeeda ay ka tarxiisho ajaaniibta sharci darrada ku joogta maamulkaasi, gaar ahaan Itoobiyaanka oo la arkayay, iyaga oo gaadiid xamuul ah laga saaray magaalada Garoowe, sababo la xiriira si looga hortego ajaaniibta tiro badan ee mar kasta ku biirto kooxda argagixisada Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this