Deeq A. Posted January 30 Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta meel-mariyey qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internet-ka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyay heshiis is-afgarad wada-shaqayn oo u dhaxeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia. Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka. Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa diirada saaray dardar-gelinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan. Waxaa kale oo lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka. Tiirka arrimaha bulshada oo ah mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardar-geliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha qaranka. Share this post Link to post Share on other sites