Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo ajaaniib badan ka tarxiishay deegaanadeeda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
475748650_632917832597646_19265729222185

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta bilaabay inuu tarxiilo dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Garoowe iyo deegaannada kale ee maamulkaasi.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Itoobiyaan fara badan oo laga buuxiyay gawaarida xamuulka, dib loogu celinayo dalkooda.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan ajaaniibta ah ee la beegsaday ay yihiin kuwo sharci darro ku joogay deegaanada Puntland oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus.

Ujeedka ugu wayn ayaa ah in Puntland ay ka hortageyso ajaaniibta ku biireysa kooxda Daacish oo haatan ay ku qaaday dagaal ay uga saareyso dhulaka buuraha gobolka Bari.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen ciidanka ammaanka gobolka Bari iyo kuwa Daraawiishta Puntland, waxaana lagu soo qabtay in ka badan 300 oo ajaaniib ah iyo Soomaali kale, kuwaas oo looga shakiyey inay xiriir laleeyihiin kooxda Daacish.

Waxaa kale oo jiray howlgal kale oo todobaadkan ciidamada ay ku dileen nin ajnabi ah oo dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Yemen, kaas oo miino ku aasayey bartamaha magaalada Boosaaso, iyagoo intaas kadib gurrigiisa kasoo helay qaraxyo iyo agabyo kale.

Maalmo kahor wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa awaamiir culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaanadeeda, waxayna ku wargelisay shirkadaha in aanay siin karin sim-card, sidoo kalena dadkaasi aanay ka tuugsan karin magaalooyinka.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysaymaalin kahor oo ay  si buuxda ula wareegeen taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

475140128_632917829264313_22036632702785 475748650_632917832597646_19265729222185

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this