Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulamo uu madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Tanzania + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
474862286_1066791548825317_3066324741979

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb-galay shirweynaha tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha bulshada bariga Afrika.

Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan.

Tan ayaa muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama, waxayna ka wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxa bangiga horumarinta Afrika (AfDB) Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.

474862286_1066791548825317_3066324741979

474889544_1066791828825289_7434438749752

475324874_1066793102158495_4479322982207

475122068_1066791608825311_7350791294319

475306185_1066791758825296_9135505586508

475589339_1066791798825292_7147244708755

475522419_1066791645491974_7464020090436

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this