Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Xasan Sheekh oo heshiis noociisu cusub yahay la galay xisbul xaakimka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
475153707_9014500111938773_2661209622878

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee Soomaaliya iyo xisbiga AK Party ee haya talada dalka Turkiga ayaa maanta heshiis is-afgarad ku kala saxiixday magaalada Ankara.

Heshiiska ayaa labada dhinac waxaa u kala saxiixay xoghayaha guud ee xisbiga UPD xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo guddoomiye ku-xigeenka AK Party Mr. Zafer Sirakaya.

Heshiiskan ayaa wuxuu u gogol xaarayaa in labada xisbi ay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo ku aaddan; is-waydaarsiga khibradaha, aragtiyada iyo cilmi baarista, hindisaha iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasadeed, kobcinta xirfadda kaadirka iyo sare u qaadista wacyiga siyaasiga ah ee bulshada.

Is-afgaradka xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbul xaakimka dalka Turkiga ayaa ku soo aadaya xilli uu socdo diyaar-garowga nidaamka axsaabta oo Soomaaliya la qorsheyneyo inuu markii u horreeyay ka hana-qaado.

Dhawaan guddigga doorashooyinka qaranka oo muran ka taagan yahay hanaankii lagu dhisay ayaa soo saaray jadwalka doorashada, iyagoo ku dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Diiwaan-gelinta ururrada siyaadadda ayaa bilaabatay 20-kii Janaayo, iyadoo socon doonta illaa 31-ka Maarso 2025. Muddadaas ayuu guddiga sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, islamarkaana ay saxiixi doonaan shuruucda lasoo kordhiyay ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa horey u sheegay inuu gaari doono goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

475153707_9014500111938773_2661209622878

475139455_9014500141938770_7581104029812

475155118_9014500328605418_7450945857069

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this