Jabhad Posted December 28, 2006 Ciidamada Itoobiya oo hubkii dib ugu celiyey beelihi hore u lahaa.. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, waxay sheegayaan in Ciidamad Itoobiya ee gacanta ku dhigay magaaladaasi ay haatan bilaabeen in ay hubkii dib ugu celiyeen maleeshiyooyinkii Beelaha, hubka ayaa isugu jira mid weyn iyo mid fudud, lamana garanayo sababaha ay ciidamada itoobiya dib ugu celiyeen dadkaasi, hase yeeshee warar ayaa waxaa sheegayaan in Dowladda itoobiya ay dooneyso in uu sii kirdho qalalaasaha soomaaliya. Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay in ay dusha ka daawanayaan waxa ka dhacaya gudaha magaalooyinka, waxayna ku xaroodeen xerooyin iyaga gaar u ah oo aysan xitaa u ogoleyn ciidamada kale ee soomaalida ah ee la socda. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay kulamo la yeelanayaan odoyaasha iyo waxgaradka , waxayna qaarkood kala hadleen sidii beel walba ay dib ugu soo ceshan lahayd hubkeedii, waxaana magaalooyinka qaarkood ka socda boob dhac, waxayna dadka qaarkood ku qaylinayaan (Ilaahayow dib noogu soo celi Maxaakiimta Islaamiga ah). Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay diideen in ay maamulo u sameeyaan gobaladii ay gacanta ku dhigeen, iyagoo degmooyinka qaarkood ay ka socoto kulamo looga arrisanayo sidii maamul loogu sameyn lahaayeen oo ay wadaan odoyaasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites