Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Itoobiyaan ah oo lagu dilay Puntland – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Boosaaso.jpg?fit=800%2C450&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Saddex muwaadin oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay labo maalmood gudahood deegaanada Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay “xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish,” halka tiro Itoobiyaan ah la xiray, sida ay dadka deegaanka u sheegeen wargeyska Addis Standard.

Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.”

Muwaadin reer Puntland ah, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood, ayaa Addis Standard u sheegay in dilalkan lala xiriirinayo eedeymo sheegaya in Itoobiyaanka qaar “ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish.”

“Waxaa suurtogal ah inay jiraan shaqsiyaad Itoobiyaan ah oo arrintan ku lug leh, laakiin in la ciqaabo dhammaan Itoobiyaanka iyadoo marmarsiyo laga dhiganayo in koox yar ay xiriir la leedahay Daacish ma ahan mid xaq ah,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen “kumanaan Itoobiyaan ah,” ayuu yiri muwaadinkan.

“Magaalada Garoowe oo keliya, in ka badan 500 oo Itoobiyaan ah ayaa lagu xiray,” ayuu sii raaciyay, isagoo ku dooday in dadka la xiray ay yihiin rayid aan la aqoonin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin kooxaha hubeysan.

Muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo la hadlay Addis Standard ayaa sheegay in tallaabadan ay u muuqato mid ka dhalatay “cadaawadda sii kordheysa” oo loo qabo Itoobiyaanka, taasoo cirka isku shareertay kaddib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah (MoU) oo dhanka badda ah la saxiixatay Somaliland — heshiiskaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga soo horjeedo.

Muwaadinkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ee Puntland, oo ay ku jiraan booliiska iyo maleeshiyaadka deegaanka, ay ku lug leeyihiin weerarrada ka dhanka ah Itoobiyaanka.

Wuxuu xusay in dadweynaha reer Puntland qaarkood “ay Itoobiyaanka ugu hanjabayeen inay dalka isaga baxaan, ayna ka tagaan hantidooda, taasoo salka ku haysa nacayb.”

Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Puntland ayaa horay ula kulmay dhibaatooyin la mid ah. Bishii Juun 2024-kii, maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in Itoobiyaanka aan haysan sharciga qaxootinimo ee ku sugan Garoowe ay si degdeg ah uga baxaan magaalada, iyagoo walaac ka muujiyay “tiradooda oo sii kordheysa iyo saameynta ay ku yeelan karaan fursadaha shaqo ee deegaanka.”

Addis Standard ayaa horey uga warramay “hanjabaado iyo falal-gacan ka hadal ah” oo ka dhan ah Itoobiyaanka ku nool Soomaaliya kuwaasoo sii kordhay kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Maamulka Puntland weli kama hadal dadka Itoobiyaanka ah ee lagu warramay in la dilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this