Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Nabadaynta beelaha galbeedka Mudug oo lagu qabtay magaalada Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738128925103.jpg?resize=720%2C48

Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale, islamarkaana uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Juxa ayaa magaalada Galdogob Shir kula yeeshay Odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Shirkaan oo daba socday shirarkii kala duwanaa ee dedaallada nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa  ka soo qaybgalay Odayaasha dhaqanka degmada Galdogob, Maamulka Degmada, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, guddiga farsamada iyo wasiirada ka tirsan xukuumada Puntland

Shirka labada dhinac looga wada-hadlay  tabaha ugu wanaagsan ee xallinta colaad beeleedda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug, waxaana mas’uuliyiinta dowladdu Odayaasha dhaqanka la wadaageen aragtidooda ku aadan xal u helidda colaadda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug iyo ka jawaabidda qodoba ay horay Odayaasha dhaqanka u soo jeediyeen oo ku saabsanaa sida ugu haboon ee colaaddan lagu xallin karo.

Odayaasha dhaqanka degmada Galdogob ayaa mas’uuliyiinta dowladda Puntland la wadaagay in ay diyaar u yihiin nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka Mudug, gaar ahaan galbeedka Gobolka Mudug, Odayaasha ayaana soo jeediyey in ay muhiim tahay in la maro tabaha farsamo ee ay u arkaan lagu gaari karo nabad waarta.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Nabadaynta beelaha galbeedka Mudug oo lagu qabtay magaalada Galdogob appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this