Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday in ay dalkoodii dib ugu celiso dhammaan Soogalootiga Itoobiyaanka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250129_153018067.jpg?resize=720

Ciidamada Amniga Puntland oo fulinaya go’aankii ka soo baxay dowladda ee ku saabsanaa in aysan degaannada Puntland sii joogi karin ajaanib sharci la’aan ah ayaa maanta bilaabay in ay dib dalkoodii ugu celiyaan soogalootiga Itoobiyaanka ah.

Soogalootiga Itoobiya u dhashay, oo aan sharciga haysan ayaa saakay gaadiid xamuul ah laga saaray magaalada Garoowe, si loogu celiyo dalkooda, kaddib markii ciidamada Amniga Puntland ka ururiyeen magaalooyinka waaweyn, si looga hortago in ay ku biiraan kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Ciidamada Ammaanka ayaa Todobaadkan bilaabay raafka dhammaan ajaanibta sharci la’aanta ku joogta degaannada Puntland, kaddib go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee lagu sheegay in Laga bilaabo 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin.

Wasaaradda Amniga Puntland oo dhaqangelinaysa go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in aysan gebi ahaanba xuduudaha Puntland soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah, waxaana ay ku amartay cid  kasta oo ay u shaqeeyaan ajaanib in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan, si loo hubiyo aqoonsigooda.

Go’aanka ajaanibta looga saarayo Puntland ayaa soo baxay Todobaadkan, kaddib markii ciidamada Amniga Boosaaso ku toogteen nin ajnabi ah oo qaraxyo ku aasayay bartamaha magaalada, kaddibna gacanta lagu dhigay shabakad ajaanib ah oo ka tirsan kooxaha Daacish, kuwaasi oo abaabulayay in ay weerarro argagixiso ka fuliyaan goobaha shacabku ku badan yihiin ee Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday in ay dalkoodii dib ugu celiso dhammaan Soogalootiga Itoobiyaanka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this