Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo beenisay in Soogalooti Itoobiyaan ah lagu dilay degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Ciidanka Booliska Puntland ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin wax dil ah, marka laga reebo dhacdo yar oo ay dad dhagxaan ku tuureen muhaajiriin, waxaana la qabtay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu beeninayaa wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, wuxuuna caddeynayaa in aysan jirin wax dil ah. Waxaa jiray dhacdo yar oo ay dad dhagxaan ku tuureen muhaajiriin, waxaana la qabtay eedeysanayaashii ka dambeeyay” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Booliska.

Boolisku wuxuu sheegay in sharciga la marsiin doono qof kasta oo isku daya inuu khalkhal geliyo amniga, Puntland na ay ka go’an tahay in la sugo badqabka dhammaan dadka ku nool, iyadoo aan la kala soocin.

“Boolisku wuxuu uga digayaa cid kasta falalka noocaas ah, wuxuuna adkeynayaa in sharciga la marsiin doono qof kasta oo isku daya inuu khalkhal geliyo amniga. Puntland waxay ka go’an tahay in la sugo badqabka dhammaan dadka ku nool, iyadoo aan la kala soocin” ayuu sii raaciyay warkaasi

Warka Booliska Puntland ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ay sheegtay in saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay magaalada Garowe, halka ay sheegeen in qaar kalena la jirdilay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo beenisay in Soogalooti Itoobiyaan ah lagu dilay degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this