Sign in to follow this  
General Duke

Mohamed Dheere turns into a clan hero nationalist: not how they wanted..

Recommended Posts

Taageerayaasha Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir oo isku urursanaya duleedka magaalada Muqdisho .

 

January 2 2008 Radiofreesomalia.com

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taageerayaal farabadan oo daacad u ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banadadir Maxamed Cumar Xabeed " Maxamed Dheere" ay isku urursanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelada dhexe ee uu maxamed Dheere degaan ahaan uu ka soo jeedo.

 

Taageerayaashan ayaa ku tilmaamay xariga Maxamed Dheere mid salka ku haya qabiil iyo qayaano la soo maleegay ayna ka dambeeyaan Ahmed Cabdisalaan iyo Ahmed Diiriye oo hayb ahaan halbeel ka soo wada jeeda, colaad hoosena u qaba , Maxamed Dheere iyo Salaad Cali Jeele, iyagoo si toos ah uga sheegay saxaafada colaadaha goonida ee loo hayo labadaa mas'uul.

 

Dhanka kale ciidamo tiradooda ay gaarayso sadex kun oo ka tirsanaa ciidamada dowlada ee ku sugnaa magaalada Muqdiso agagaarka geed timorow , ahaana ciidamada dowlada ee lagu dhafi lahaa ciidamada Maxkamadaha , qarash gaaraya shan malyana ay dowlada Mareykanka ugu talagashay isku dhafka cidamadaa, ayaa maanta gadood iyo is rasaaseyn ay ka dhex dhacday.

 

Waxaa dad badan oo siyaasada Somaliya u dhuun daloola ay saadalinayaa in ay mar labaad ay ka bilowdaan colaadihii sokeeye ee baabi'iyay magaalada Muqdisho sanadihii 1993kii, ee beelaha ****** kala geeyay.

 

Cidamada Ethiopia oo cutubkoodi ugu horeeyay ay maanta ka ruqaansadeen magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay ku tilmaamen in magaalada Muqdisho lagu kala dareersan doono, haday ciidamada Itobiya ay ka wada baxaan, iydoo ay muuqado in dagaalo faraha lagaga guban doono ay halkaa ka dhici doonan.

 

 

RFS _ Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this