Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti agreement signed; read TEXT

Recommended Posts

Shirkii nabadeynta Soomaalida ee Jabuuti oo caawa heshiis dhaxal gal ah lagu saxiixay (Oudl Abdala oo ku amaanay wakiilada Soomaalida sida xil kasnimada ah oo ay u dhaqmeen)

 

Waxaa caawa magaalada Jabuuti lagusoo gabagabeeyay shirkii nabadyenta Soomaaliya ee dalkaa ka soconayay mudada todobaadka ka badan,waxaana gunaandkii shirkaa lagu gaaray qodobo dhaxal gal ah oo muujinaya maslaxadda Soomaaliya in ay soo dhawaatay.

 

Waxaa caawa magaalada Jabuuti lagusoo gabagabeeyay shirkii nabadyenta Soomaaliya ee dalkaa ka soconayay mudada todobaadka ka badan,waxaana gunaandkii shirkaa lagu gaaray qodobo dhaxal gal ah oo muujinaya maslaxadda Soomaaliya in ay soo dhawaatay.

 

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah oo munasabadii saxiixa heshiiskaa ka hadlay ayaa amaan balaaran u jeediyay dhinacyada Soomaalida oo uu sheegay in si xil kasnimo leh ay u dhaqmeen dadkoodana ay u daneeyeen.

 

Wakiilka UN-ku waxaa uu sheegay in beesha calamku ay diyaar u tahay dhinacyada Soomaalida in ay ku gacan siiso dhaqan gelinta heshiiska taariikhiga ah oo ay gaareen.

 

Qodobada labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mida

 

1- In muddo 120 maalmood ah laga shaqeeyo sidii ciidamada Itoobiyaanku uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya.

 

2-in xabad joojin laga dhaqangeliyo dalka oo dhan muddo 90 maalmood ah oo kadibna la kordhin karayo.

 

3-in heshiiska caawa la saxiixay laga dhaqan geliyo dalka oo dhan

 

4- In muddo 3 bilood ah dalka Soomaaliya lagu keeno ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed kana kala socda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya oo kuwa darisku aanay ku jirin.

 

Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in beesha caalamku ay ku garab galeyso dhinacyada Soomaaliyeed sidii ay ugu guuleysan lahaayeen dhameystirka heshiiskan si dalka Soomaaliya uu dib ugu hanto heybadii iyo sharaftii dowladnimo ee uu bari lahaan jiray.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo

 

Carmooyin@gmail.com,carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti: Heshiis buuxa oo caawa ay wada gaareen Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara {Ra’iisul Wasaaraha iyo Sh. Shariif oo khudbad ka jeediyay xafladda heshiiska lagu saxiixayey}

 

9. Juni 2008

Jabuuti(AllPuntland)-Waxaa caawa Hotelka Kempinski ee magaalada Jabuuti lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka KMG iyo kooxaha mucaaradka ee isbaheysiga Asmara, waxaana halkaasi lagu saxiixay qodobadii heshiiska ee muranka badan ka taagnaa.

 

Xafladii heshiiska labada dhinac oo ay ka soo qeybgaleen Wafuuda Beesha Caalamka, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Dowladd KMG, Guddoomiyaha Isbaheysiga Asmara iyo xubnaha labada dhinac u madalaya shirka.

 

Heshiiska oo ahaa mid labada dhinac ay ku qanacsanaayeen ayaa waxaa ka mid ah qodobada heshiiska ay wada gaareen ee ay saxiixeen in mudo 30 maalmood gudahood in guud ahaan gobolada dalka laga dhaqan geliyo qodobada heshiiskan, in 90 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa maalinta la saxiixay heshiiska xabad joojin , in 120 maalmood gudahood dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara ay ku codsanayaan in dalka la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, isla markaana aysan ciidamadaasi imaanaya dalka aysan ku jirin dalalka deriska, In ciidamada Itoobiya mudo 120 maalmood gudahood ay dalka ugu baxaan marka ay yimaadaan ciidamada Qaramada Midoobay lana helo nabadgelyo buuxda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

 

Sidoo kale qodobada labada dhinac ay wada saxiixeen ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay si wada jir ah ugu codsanayaan beesha caalamka hirgelinta heshiiskan iyo in lagu taageero heshiisyada ay gaareen, isla markaana shacabka ku barkacay dagaalada lala soo gaaro gargaar deg deg ah, waxaa kaloo ka mid ah heshiisyadaasi in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa qodobada ay wada saxiixeen.

 

Heshiiskan oo ah mid ay soo dhoweeyeen beesha caalamka xubnihii ka qeybgalay shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay hoggaamiyeyaasha wafdiga, Axmed Cabdi Salaam oo dhinaca dowladda u saxiixay heshiiska ayaa waxaa uu ka sheegay xafladda in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiska caawa ay wada gaareen, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii loo hirgelin lahaa, sidoo kale C/raxmaan Shukri oo isna u saxiixay dhinaca Isbaheysiga ayaa soo dhoweeyay isagoo u mahad celiyay dhamaan wafuudii caalamiga aheyd ee ka soo shaqeysay in heshiis la wada gaaro.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Cabdallah oo xafladaasi kahadlay ayaa sheegay in la gaaray xal, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin is afgarashad labada dhinac ay wada gaareen, wuxuuna balan qaaday in Qaramada Midoobay ay taageereyso sidii loo garab istaagi lahaa Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale uu ka hadlay hadalkii shalay ka soo yeeray ee sheegayey in lagu guul dareystay heshiiska Jabuuti uu ku boorinayey ama uu ku kicinayey ergada si xal loo helo.

 

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo soo dhoweeyay heshiiska ay wada gaareen Dowladda iyo Mucaaradka, isagoo intaa raaciyay in dowladda KMG ay ka shaqeyn doonto sidii mira dhal u noqon lahaayeen qodobada heshiiska.

 

Sh. Shariif Sh. Axmed Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara ayaa isagana soo dhoweeyay, wuxuuna u mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay Ahmadu Ould Cabdallah oo dhabarka u xertay sidii loo heli lahaa heshiis kama danbeys ah.

 

Saxiixa xafladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilo madalayey dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudi Carabiya, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay.

 

C.M.Cali

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

In the name of Allah, the most Beneficent and the most Merciful

 

AGREEMENT BETWEEN

 

THE TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA (TFG)

 

And

 

THE ALLIANCE FOR THE RE-LIBERATION OF SOMALIA (ARS)

 

1. The Transitional Federal Government (TFG) of Somalia and the Alliance for Re-liberation of Somalia (ARS) attending a meeting from 31 May to 9 June 2008 in Djibouti, facilitated by the UN. They are hereafter referred to as "the Parties".

 

2. The Parties gave their respective analyses of the 18 year old crisis and made proposals aimed at restoring trust, confidence and at ending the conflict. Their discussion led to the present Agreement.

 

3.The primary requirement of this Agreement is to: ensure the cessation of all armed confrontation and a political settlement for a durable peace; promote a peaceful environment; avoid a security vacuum; facilitate the protection of the population and the unhindered delivery of humanitarian assistance and call for the convening of a reconstruction and development conference.

 

4. The Parties noted that:

 

a. Over the past eighteen years, Somalia has suffered massive human losses, insecurity and vast destruction of its physical infrastructure and other vital public investments. A whole generation of young people and adults has been sacrificed or denied education and development;

 

b. The human and humanitarian situation is continuously deteriorating. At the same time, the country’s international image and standing have been seriously undermined;

 

c. This tragic situation, and the fact that eighteen years of war and conflict have brought neither durable peace nor stability and inspired by patriotic and religious examples of compromise.

 

5. Decided to:

 

a. Reaffirm the dignity, sovereignty and the territorial integrity of Somalia;

 

b. Take courageous measures to finally bring this situation to an end and resolve the crisis through peaceful means.

 

6. Agreed on:

 

a. The termination of all acts of armed confrontation by the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS) and its allies and by the Transitional Federal Government (TFG) and its allies;

 

b. The cessation of armed confrontation shall come into force thirty (30) days from the signing of this agreement throughout the national territory;

 

c. The cessation of armed confrontation is approved for an initial period of ninety (90) days, renewable.

 

7. The Parties agreed from the date of coming into effect of this Agreement:

 

a. To request the United Nations, consistent with UN Security Council Resolution 1814 and within a period of one hundred and twenty (120) days, to authorize and deploy an international stabilization force from countries that are friends of Somalia excluding neighboring states;

 

b. Within a period of 120 days of the signing of this agreement the TFG will act in accordance with the decision that has already been taken by the Ethiopian Government to withdraw its troops from Somalia after the deployment of a sufficient number of UN Forces;

 

c. The ARS shall, through a solemn public statement, cease and condemn all acts of armed violence in Somalia and dissociate itself from any armed groups or individuals that do not adhere to the terms of this Agreement.

 

8. To ensure the effective implementation of this Agreement, the Parties agree to:

 

a. Undertake all necessary measures to ensure unhindered humanitarian access and assistance to affected populations;

 

b. Refrain from declarations and actions inconsistent with the peaceful spirit of this Agreement;

 

c. Establish a Joint Security Committee to follow up the implementation of security arrangements within fifteen (15) days of the signing of this Agreement. The composition and mandate of this Committee, chaired by the UN, shall be adopted within the same period.

 

9. A High Level Committee, chaired by the UN, should be established within fifteen (15) days of the signing of this Agreement to follow up on issues relating to the political cooperation between the Parties and concerns over justice and reconciliation. These issues will be discussed at a conference to be organized by 30 July 2008.

 

10. The Parties will work with all other relevant Somali stakeholders to ensure the full and effective implementation of this agreement.

 

11. The Parties call on the international community to help provide the adequate resources for the implementation and follow-up of this Agreement. The Parties also consider it a priority to convene within the next six (6) months an international conference aimed at addressing Somalia’s Reconstruction and Development.

 

Djibouti

 

9 June 2008

 

 

 

Transitional Federal Government Alliance for Re-Liberation of Somalia

 

United Nations

 

Observer States: Observer Groups:

 

 

France African Union

 

United Kingdom League of Arab States

 

United States Organization of Islamic Conference

 

Kingdom of Saudi Arabia European Union

 

Djibouti

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

1- In
muddo
120 maalmood ah
laga shaqeeyo sidii
ciidamada Itoobiyaanku uga bixi
lahaayeen
dalka Soomaaliya.

Bal ummadyahay ila fiiriya erayada aan madoobeeyey, ma waxas baa heshiis ah!

 

Jumladaas gabi ahaanteedaba wax weyn baa ka khaldan.

 

 

in 120 maalmood gudahood uga baxaan ciidamada Itoobiya wadanka

 

sidaas haduu hadalka ahaan lahaa waan ku farxi lahaa

 

 

Laakin xuruuf iyo afcaal mustaqbal sal ku hayyo waxba sheegi maayaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

a. To request the United Nations, consistent with UN Security Council Resolution 1814 and within a period of one hundred and twenty (120) days, to authorize and deploy an international stabilization force from countries that are friends of Somalia excluding neighboring states;

 

b. Within a period of 120 days of the signing of this agreement the TFG will act in accordance with the decision that has already been taken by the Ethiopian Government to withdraw its troops from Somalia after the deployment of a sufficient number of UN Forces;

Is it me or are these ambigious clauses?

 

Do the parties have to jointly request the UN to send troops first or has that already been done?

 

Who decides how many troops are needed?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It means work on it adeer. Get UN troops in get the Ethiopians out. Nothing wrong with that.

 

Within a period of 120 days of the signing of this agreement the TFG will act in accordance with the decision that has already been taken by the Ethiopian Government to withdraw its troops from Somalia after the deployment of a sufficient number of UN Forces;

They will have to leave, this an international agreement adeer.

 

Viva the republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo soo dhaweeyey heshiiska la gaaray

 

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee caawa heshiiska kula saxiixdey magaalada Jabuuti Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweeyey heshiiskaasi, isla markaana ku tilmaamay mid guul ah.

 

Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka mid ah xubnaha sar sare ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana xubin ka ah ergada Isbahaysiga ee ka qayb galaysa wadahadalka Jabuuti oo caawa wareysi gaar ah siiyey warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa wuxuu sheegay inay si buuxda ugu faraxsan yihiin heshiiska la gaaray dareen ahaana ay fulin doonaan xagooda qodobada heshiiska lagu gaaray.

 

Sheekha ayaa wuxuu xusey in heshiiskan ay ka muuqato guul uu sheegay in la gaarey oo ah in dalka ay ka baxaan ciidamada Itoobiya, taasi oo uu ku macneeyey inay aheyd wixii ay raadiyeen isbahaysigooda, ayna ku faraxsan yihiin waxa ka soo baxay heshiiskaasi.

 

Sheekh C/raxmaan Janaqow wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si weyn u aaminsan yahay in heshiiskaasi uu ka shaqeeyo wadanka, isagoo xusey in la helay wixii ay dadka Soomaalida ay baadi goobayeen oo ah in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka oo ay dib u soo laabtaan dadkii qaxay, ayna helaan taageerada iyo caawimada beesha caalamka.

 

Sheekhu oo ka hadlayey in kooxaha kale ee dagaalka kala soo horjeeda DFKMG ah ee Soomaaliya sida kooxda Al-Shabaab inay qaadici doonaan heshiiskan waxyaabaha lagu gaaray, ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in kooxahaasi waxa ay ka cabsi qabeen ay aheyd in wax aan dan u aheyn ummada Soomaaliyeed ay shirka ka soo baxaan, laakin ay aqbali doonaan waxa la gaarey oo ay ugu weyn tahay sida hadalka uu u dhigey in ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan dalka.

 

Mar uu ka hadleyey xubnaha ku sugan magaalada Casmara ee shirka ka soo horjeeday sida wadaadka Sheekh Xasan Daahir ayuu wuxuu tilmaamay in uu aaminsan yahay in dhamaan heshiiska waxa lagu gaarey ay tahay waxa ay doonayeen xubnahaasi, wuxuuna tilmaamay in ay ku qanci doonaan dhamaan kooxahaasi heshiiskan oo aysan dhib keeni doonin.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Northerer: Adeer you can read right? The TFG will request and had enough forces to stabalise the nation and reduce any need for the Ethiopians and other AU forces.

 

Its clear this a great step forward the TFG has made it clear it does not want the Ethiopians in Somalia.

 

Its in writing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnihii DKGS Iyo Isbahaysiga Oo Heshiis Buuxa Ku Gaaray Jabuuti

 

Qodobadii Lagu Heshiiyay:

Xubniihii ka socday DKGS iyo Isbahaysia oo maalmihii la soo dhaafay heshiis lagu dhex-dhexaadinayay uu ka socday Dalka Jabuuti ayaa maanta halkaas heshiis buuxa ku gaaray iyagoona maanta ka fool ka fool kula ku dhex maray Dalkaas,

 

Heshiiska ay Caawa kala saxiixdeen waxaa uu ka koobanyahay 10 Qodob,heshiiskaa oo mudo 30 maalmooda loo maahanyahay inuu ka dhaqan galo guud ahaan dalka iyo xuduudiisaba,

 

(1)Xabad joojin 90-maalmooda oo la cusbaysiinkaro markii la doono,

 

(2)120-maalmood oo Golaha Amaanka ee QM uu keeno Ciidamada caalmaiya oo nabad ilaalina oo aysan ku jirin Ciidamada dariska la ah Dalka Soomaalia,

 

(3)120-maalmood oo Ciidamada Ethiopia Dalka looga saarayo marka ay yimaadaan Ciidamada Caalamigaa,

 

(4)Inuu ururka Isbabhaysigu iska fogeeyo Shaqsi kasta oo ka hor imaadaan heshiiska,

 

(5)Indhinacyada oo dhan heshiiskaan fuliyaan oo Dalalka caalamka Kaalmo lawaydiisto,

 

(6)In 15-maalmood gudihood Gudi lagu shaqadiisu ahaandoonto ilaalinta xabad joojinta,

 

(7)In 15 maalmood gudahood lagu dhiso gudi ka shaqeeya arimaha Siyaasada iyo Cadaalada ee dib u heshiisiinta,

 

(8)In Labada dhinac ay ka sheqeeyaan sidii loo fulinlahaa heshii

 

(9)In Beesha caalamka lawaydiisto Fulinta heshiisyadaan Mudo 6-bilooda,

 

Heshiiskaan ayaa waxaa saxiixay Xubnaha DKGS,Isbayasiga uga qaybgalayay Kulankaan ,Dhinaca Golaha Amaanka ee QM waxaa u saxiisay Axmedu Wouldd Cabdallah,

 

 

Kulankaan ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa oo ka soo qaybgalay Xubno ka socda Maraykanka ,Saudi Arabiya ,Ururka Islaamka Iyo Ururka Midowga Yurub,

 

 

Saciid C/llaahi Kulmiye Nadaara

warqabadka allmudug.org ee Dalka Malaysia

saciidnadaara@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

heshisjabuti.jpgShirkii Jabuuti oo lagu heshiiyay

 

Jabuti, Djabouti (Calanka.com) 09-Juun-08

Waxaa caawa lagu kala sixiixday magaalada Jabuuti heshiis wax ku ool ah oo ey kala sixiixdeen garabyada dowladda federalka iyo isbaheysiga dib u xoreynta ee maamahanka shirar isdaba joog ah uga socdeen dalka Jabuuti.

 

Shirkan lagu heshiiyay oo lasoo gabagabeeyay caawa ayaa waxaa uu isbuucii hore uga furmay halkaa kooxahan, waxaana caawa shir albaabada u xiran yihiin kadib lagu duugay qalinka qodobo ey ka mid yihiin:

 

In mudo 30-cisho ah laga dhaqan geliyo Somaliya oo dhan heshiiskan maanta la sixiixayo

 

In xabadda la joojiyo mudo 90-cisho, lana kordhin karo markii ey mudadaasi dhamaato.

 

In golaha amaanka mudo 3-bilood gudeheed ciidamo nabad ilaaliyayaal laga codsado QM, kuwaasoo eysan ku jirin wadamada dariska ah.

 

In mudo 3-bilood ah looga saaro Somaliya ciidamada Itobiya markii ey ku yimaadaan mudadaas 3-da bil ah ciidamada QM.

 

In isbaheysiga dib u xoreynta ey beri ka ahaadaan iskana fogeeyaan kooxada dagaalada qaada ee iyaga aan amarka ka qaadan.

 

In la sabeeyo mudo 15-cisho ah gudi ka socda labada dhinac oo kontrola xabad joojinta iyo arimaha heshiiska in uu hirgalayo.

 

In labada dhinac ey ka wada shaqeeyaan sidii heshiiskan loo wada fulin lahaa.

 

Waxaa markii heshiiska la kala sixiixday qudbado ka jeediyay madasha dhinacyada heshiiska gaaray iyo waliba wakiilada beesha caalamka oo uu ugu horeeyay wakiilka QM Ahmedou Abdalla.

 

Sidoo kale waxaa halkaasii qudbado ka jeediyay ugu danbeyn halkaa gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo ra? iisal wasaaraha Somali Nuur xassan Xuseen (Nuur Cadde).

 

Wixii soo kordha kala soco wararka danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Who decides how many troops are needed?

 

The government of course.

Saxiib suug heshiiska ha naga nacaladeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer this a good deal. Who made the pact?

The recognised governemnt and opposition.

Thus who makes details and continued to govern, the government.

 

Insecure as usual

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this