Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin weyn oo ka dhalatay tallaabadii Cali Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   
Guudlaawe.jpeg?fit=1180%2C787&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), kadib markii uu xil u magacaabay wadaadka caanka ah Sheekh Cali Wajiis.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Sheekha loogu magacaabay inuu noqdo La-taliyaha sare ee arrimaha dalalka Carabta iyo Islaamka.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u magacaabay Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) Lataliyaha Sare Ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka” ayaa lagu yiri digreetada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe.

Dhinaca kale, fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabistan, iyada oo baraha bulshada si weyn loogu faaqiday xilka cusub ee loo magacaabay Sheekh Cali Wajiis.

Ifraax Cabdulle “Qofkii la rabo in lacag la siiyo magac xileed lasoo hindhisaa bal Suit shabelle iyo Carab maxaa iska galay?”.

Xuseen Kulmiye “Garoonka diyaradaha Jowhar ha naloo qurxiyo waxii hadda ka dambeeya reer Jowhar iyo Carab waa is dhex galeen mar haddii uu Shiikh Cali la hadlo Carabta horumar wacan Hirshabelle”.

Cabdulqaadir Maxamuud Daada “Maamul isku sheegan wax naga qabsado ma la waayay xil nuucii la rabo leyska hindisaayo maxaa waayay?”.

Axmed Cilmi “Maxaa ka galay Hirshabelle arrimaha Carabta iyo Islaamka, Hirshabelle waa local, dowladda federaalka ayaa mas’uul ka ah arrimaha Carabta iyo Islaamka”.

Maxamed Deeq Cumar ” Qosol iguma harin kkkkkkk Soomaaliyeey saan miyaaa noo dambeysay Carabta waa maxaay?”.

475017376_1034002078770996_8752348055669

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this