Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta duqeyn lagu laayey shacab oo ka dhacday Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Qandala (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Bari, taas oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa aagga degmada Qandala ee gobolkaasi.

Duqa degmada Qandala Axmed Khuurshe oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada ay haleeshay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen illaa 4 qof, ayna ku dhaawacmeen 6 kale oo ku sugnaa goobta la duqeeyay.

Axmed Khuurshe ayaa sidoo kale tilmaamay in 4 qof ee ku geeriyootay duqeyntan ay ahaayeen dad isku qoys ah, ayna aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay.

Sidoo kale wuxuu dadka reer-guuraaga ee deggan aaggaasi ugu baaqay in ay ka fogaadaan deegaannada ay ku dirirayaan ciidanka difaaca Puntland iyo maleeshiyada kooxda Daacish.

Duqa degmada Qandala ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan cidda fulisay duqeynta, hase yeeshee dagaalka Ciidanka Difaaca Puntland iyo kooxda kooxdaee ka socda buuraleyda Bari ee Calmiskaad ayaa waxa qayb ka ah duqeymo diyaaradeed oo ay fuliyaan dalalka Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada.

Puntland ayaa haatan wadda guluf culus oo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Daacish waxayna ciidamada kusii siqayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Si kastaba, Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta ciidamadu ay isku fidiyeen aaga Tog Jaceel, Waddooyinka Togga soo gala iyo deegaannada u dhow Turmasaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this