Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay fursad Somalia ka saareysa faqriga

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh.jpg3_.jpg?fit=2048%2C1365&s

Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in fursadaha Soomaaliya ee Qoraxda iyo Dabaylaha ay mustaqbalka noqon karaan ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

“Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar (50%) ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray (Bayaanka Daaru-Salaam).

Bayaankaas ayaa ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan, marka la gaaro sanadka 2030-ka oo ku beegan 5 sano ooh adda kadib ah.

474728500_1066138662223939_2308386299466 474793771_1066138208890651_7472165654447 474865319_1066139095557229_4735646563073 475128838_1066139168890555_5013456119625 475138970_1066139495557189_4159671063868 475139647_1066139375557201_1890207339090 475139682_1066139255557213_1383725403367 afrika-africa.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 afrika.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 biixi-iyo-bishaan.jpg?resize=696%2C464&s ilyaas.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Xasan-Sheekh.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Xasan-Sheekh.jpg1_.jpg?resize=696%2C464& Xasan-Sheekh.jpg1_.jpg2_.jpg?resize=696% Xasan-Sheekh.jpg3_.jpg?resize=696%2C464&

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this