Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah magafayaasha ugu weyn Soomaaliya oo loo gudbiyey maxkamadda…

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamadda-Gobolka-Banaadir.jpeg?fit=204

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Maxamed Ibraahim Cali oo loo heysto in uu ka mid yahay Magafayaasha tahriibiya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ninkaan ayaa lagu eedeeyey in dad badan uu u tahriibiyay dalka Biniin, halkaas oo lagu jir-dilay, madax furashana loogu xirtay.

“Eedaysanaha ayaa lala xiriiriyay shabakado isku xira Soomaaliya, Itoobiya, Niger iyo Aljeeriya, kuwaas oo jirdil u geysta cidda bixin wayda madax furashada,” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta Soomaaliya.

Maxkamadda oo ku qanacday eedeymaha uu soo gudbiyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ninkaas loo heysto ayaa amartay xabsi ku heyn, waxaana sii soconaya baaritaanka ninkaas.

“Maxkamaddu kadib markay ku qanacday warbixinta hor-dhaca ah ee xafiiska iyo booliska, waxay ku amartay in lagu hayo xabsi ku meel gaar ah inta baaritaanka kiiska laga dhamaystirayo,” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiiska waxaa ka go’an in uu si adag ula dagaalamo shabakadaha tahriib-ka, isagoo uga digaya cid kasta oo ku hawlan falalka noocan ah.”

Soomaaliya, Itoobiya iyo Afrika oo dhan waxaa ku badan tahriibka, gaar ahaan dhalinyarada, waxaana ka faa’iideysta kooxo magefayaal ah, kuwaas oo dadka u gacan geliya shabakado qarsoon oo cadow ah.

Dhaqaale badan ayaa qofka la dul dhigaa, waxaana muuqaalo ehelkiisa loo diro laga duubaa iyadoo la jir-dilayo, dadka qaar waxay ku dhintaan jid-dilka ay u geystaan kooxaha madax-furashada u heysta.

WhatsApp-Image-2025-01-28-at-9.54.20-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this