Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta sicir-bararka Kismaayo iyo A/Madoobe oo xaraashaya dhulkii danta guud

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-madoobe-2.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=

Kismaayo (Caasimada Online) – Sicir-barar iyo dhaqaale la’aan aad u daran ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, kadib markii dowladda federaalka ay Jubbaland saartay cunaqabateyn aad u daran, waxaana xaraash lagu bilaabay dhulkii danta guud.

Masuuliyiinta maamulka ayaa iska dhigay gaadiidka, ciidamada iyo shaqaalihii maamulka ayaa loo waayey wax mushaar ah, halka shixnadihii kasoo degi jiray dekedda Kismaayo, qaadkii iyo diyaaradihii rakaabka qaadi jiray ay toos Jubbaland uga joojisay dowladda federaalka.

Axmed Madoobe oo Nairobi ku tegay safar khilaaf ka dhex abuuray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli halkaas ka wada kulamo siyaasadeed oo weliba lagu abaabulayo mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu Nairobi kulamo is dabajoog ah kula yeeshay ganacsato uu weydiistay dhaqaale uu ku maareeyo howlaha maamulkiisa iyo dagaalka uga furan dhanka dowladda federaalka.

Dadka reer Kismaayo ayaa aad u sugaya sahayda Axmed Madoobe kula soo laaba doono deegaanka, maadaama sicir-barar adag ay wajahayaan, kaas oo sababay in xaraash lagu bilaabo dhulkii danta guud ee Kismaayo ku yaallay.

Dhulka danta guud ee Jubbaland iibisay, qaarna weli la kala iibsanayo waxaa ka mid ah saldhiggii booliska ee Kismaayo, xaruntii wasaaradda Boostada, keydii Ganleyda, Maktabadii Qaranka, xaruntii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku lahaa Kismaayo iyo Baarta Nabadda ee magaalada Kismaayo.

Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa cabshada dad shacab ah oo dhulkoodii lagu darsaday boobka iyo kala iibsiga dhulka danta guud ee ka socda Kismaayo, arrintaan waa ka siman yihiim Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana la xaraashayaa dhulkii danta guud.

Wasiirrada qaar ee Jubbaland ayaa warbaahinta u dusiyey xog sheegeysa inay xitaa iibsa waayeen shidaalkii gaadiidka ay wataan, kiradii guryaha iyo wax kasta oo nolosha aas-aasi u ahaa, iyagoo ka cabanaya cunaqabateynta dowladda federaalka ay saartay Jubbaland.

Inkastoo Jubbaland ayaa dagaalkii tooska ahaa uga adkaatay dowladda federaalka, kana difaacatay gobolka Jubbada Hoose iyo qeybo kamid ah gobolka Gedo, hadana dhaqaale xad-dhaaf ah ayaa uga baxay hardankii lasoo maray, si lamid ah dowladda federaalka ooh adda naf ka dayeysa cunaqabateynta ay saartay maamulkaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this