Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo saaka jihooyin kala duwan kaga yimid Argagixisada ku jirta togga Jeceel

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738054762592.jpg?resize=720%2C48

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku raad-jooga firxadka Argagixisadii kala daatay ee Daacish ayaa saaka hawlgal amni ka sameeyay dhammaam malkooyinka laga galo togga weyn ee Jeceel.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu hawlgal amni ka sameeyeen aagagga laga galo togga weyn ee Jeceel oo la rumaysan yahay in ay weli ku dhuumanayaan kooxo firxad ah oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale hawlgalkaasi ciidan ka sameeyay degaannada ku teedsan Turmasaale oo dhawaan laga saaray kooxaha Argagixisada ah “Ciidanku waxay howlgalo Amni ka sameeyeen aaga Tog Jaceel, Waddooyinka Togga soo gala iyo deegaannada u dhow Turmasaale” ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo saaka jihooyin kala duwan kaga yimid Argagixisada ku jirta togga Jeceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this